Sunday 21 February 2010

cigaal iyo rayaale










1. Wuxuu yidhi rayaale, tabtii cigaal ayaan raacayaa ,sawdiga fooqa cusbitaalka agtiisa ka dhistay, cigaal daarihii aabihii ayu dalka u iibinjirey
2. Wuxu yidhi: caddaalad ayaan ka shaqeynayaa , maxkamadaha ma ka warheysa.
3. Wuxuu yidhi: ciidamadaan hagaajinayaa, meeye darajadoodii iyo mushaharkoodii
4. 50ka million ee doolar ma xanaanooyinka unicef sameysay ayaad gelisay. Been weynaa
5. Briijkii hargeisa lacagtiisii xaggaad geyseen.
6. lacagtii miisaaniyadda lagu daray 3jeer ee giimbaarta burco lagu beddelaayay maxaad u beddeli weyday meedey se.
7. waddadii laaamida aheyd ee burco-oodweyne-hargeisa 10ka jeer aad camuudda dhigtey ma sameysey. Ma been ayey aheyd.
8. tii ceerigaavo iyo camuudii weli sawta taal, goormaad sameyneysaa, maxaad beenta u sheegeysaa , haddaanad qaban kareyn
9. -warshadii sibidhka aad dhegaxa dhigtey 3jeer, goormaad bilaabeysaa, maxaad beenta u sheegeysaa.

10. kambaniyadii faransiiska, jarmalka ee aad sheegtay ee ina maalgelinaayay meeye. Maxaad beenta u sheegeysaa
11. isbitaalkii oodweyne iyo gabiley meeye. Maxaad beenta u sheegeysaa

12. labada taliye ciidan ee aad burco u sameysay, horey ma loo arkey. saw isku dir iyo kala qaybin maaha

13. ma dadka tahriibey ee xeebaha ku halaagmey ayaad eedii saartey shacabkii madaxda kaa dhigtey ee aad hagi kari weydey . kalmad xun moyaane , kalmad wanaagsan weli ma sheegtey

14. ma nimankii kula baratamaayey ayaad nacasyo ku sheegtey. Ma minted ayuunbaad ku jirin
15. ma kaas ayaa mar labaad dooraneysaan , waa haddaad munaafiqiin tihiin, dalkiina iyo dadkiinana aydaan waxba ku faleyn

No comments:

Post a Comment