
Burco (Somaliland.Org)- Ciidamada ammaanka ee Magaalada Burco, ayaa shalay gacanta ku dhigay Rag ay sheegeen inay siteen Lacag xaddigeedu badan yahay oo ah Lacagta Birrta Itoobiya.
Sida uu baahiyay Telefishanka HCTV, Ciidamada ammaanka ee Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, ayaa qabtay laba Nin oo Soomaali ah, kuwaas oo ay sheegeen inay ka yimaadeen Gobolka Wardheer ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, una socdeen Magaalada Hargeysa. Warku wuxuu intaa ku daray in Raggan oo waqtiga la qabtay doonayay inay Gaadhi u soo raacaan dhinaca Magaalada Hargeysa, lagu qabtay Lacag Itoobiyaan ah oo qaddarkeeda lagu sheegay 45,000 (Shan iyo Afartan kun oo Riyaal).
Ragga la qabtay ayaa sida Warku xusay sheegay inay u socdeen dhinaca Magaalada Wajaale ee Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, halkaas oo ay sheegeen inay u qorshaysnayd inay ka soo iibsadaan Alaab. Hase ahaatee, Ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay baadhayaan Raggan.
Waa markii u horraysay ee Ciidamada Amniga ee Gobolka Togdheer gacanta ku dhigaan Rag sita Lacag qalaad oo qaddarkeedu intan le’eg yahay.
Somaliland.Org
Hargeisa News Desk
wararkasomaliland@gmail.com
No comments:
Post a Comment