Wednesday, 24 February 2010

Maxamed rashiid oo booqday Brussels


Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo booqasho dhawr cisho kuyimid caasimada Europe ee Brussels (Sawiro)


(GNS) Brussels:-Musharaxa madaxwayne kuxigeenka xisbiga UCID Dr Maxamed Rashiid Sheekh Xaasan ayaa booqasho rasmiya ku yimid magaalada Brussels , halkaas oola filayo inuu shirar kala duwan la yeesho xubno sare ooka tirsan baarlamaanka reer Yurub ee fadhigoodu yahay magaalada Brussels,iyo waliba xubno sare oo ka tirsan dawlada federaalka ee katalisa wadanka Belgium.

Kulankan oo daba socday booqasho hore oo uu ku yimid gudoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Injineer Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax Bishii hore,halkaas oo ay shirar kala duwan kula yeesheen xubno sare oo ka tirsan baarlamaanka yurub iyo dawlada federaalka ee dalka Belgium.

Kulanka Xubnaha Jaaliyada reer Somaliland ka socday iyo musharaxa Madaxwayne ku xigeenka UCID Dr Maxamaed Rashiid Sheekh Xasan ayaa u badnaa is waraysi labada dhinac oo ku saabsan wadankii iyo siyaasada Somaliland ee maanta iyo waliba doorashada Somaliland lafilayo inay ka dhacdo wadanka iyo duruufaha ku xeeran.
Dr Maxamaed Rashiid wuxuu warbixino kala duwan ka siiyay jaaliyada SL siyaasada xisbiga UCID ee uu musharaxa u yahay iyo waxyaabaha uu qaban doono hadiiba ay xukunka ku guulaystaan,isagoo tilmaamay sida ay siyaasadoodu uga duwan tahay labada xisbi ee kale.

Kulanka –jaaliyada iyo Dr Maxamed Rashiid ayaa ku dhamaaday jawi farxadleh iyadoo goobta uu ku sugnaa gudoomiyaha jaaliyada reer Somaliland iyo waliba xubno kala oo aad ugu muhiim ah jaaliyada rer Somaliland ee ku dhaqan wadankan Belgium.


Gabileynews desk
Brussels
Belgium


No comments:

Post a Comment