Friday, 19 February 2010

somaliland ama carab ayaa aqoonsan ama Israel


Somaliland waxa ay dhisatay oo ka hano qaaday maamul shaqaynaya tan iyo 1991-kii, iyada oo aan wax taageeroa h ka helin dibadda.
Inkasta oo ay xidhiidh la sameeyeen walaalaha Carbeed, si ay u taageeraan baaqooda madaxbannaanida, haddana si kasta oo ay tahayba ma jirto cid ka soo jawaabtay baaqyadooda xorriyadda.
Carabi waa in ay ogaadaan in ay Soomaaliya kala socotay oo aanay suurtogal ahayn mar kale oo in Somaliland lagu qasbo in ay gasho midnimo danbe oo bilaa sharci ah.
Dhinaca kale, Soomaaliya waxa ay ku guuldaraystatay in ay xaliso dhibaatadeeda, waxayna ku sii socotaa qalalasa ay ku naf waayeen kumanaan qof.
Arrintani waxa ay muujinaysaa in ay dadka nabadda jecel ee Somaliland ay ka go’an tahay in ay gooni ka ahaadaan Soomaalidaasi.
Somaliland waxa ay dhisatay qaran xooggan oo casri ah, waxayna qabsatay doorashooyin xor iyo xalaal ah, waxaana soo maray saddex madaxweyne muddo ka yar 20 sano. Run ahaatii, Somaliland waa dal u qalma inuu helo xubinnimada Qaramada Midoobay, sababta oo ah waxa ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa in ay noqoto dawlada madaxbannaan.
Dalalka Carabtan Masar iyo Kuwa Khaliijku waa in ay wax ka bedelaan oo aqoonsadaan Somaliland: haddii kale Israa’iil ayaa sidaasi samayn doonta.
Maanta Carabta iyo caalamka Islaamkuba waa ay gooniyeeyeen Somaliland, waxayna gabeen in ay la yeesheen xidhiidh dublamaasi iyo ganacsi Somaliland.
Ururada Jaamacadda Carabta iyo Islaamku waa in ay ogaadaan in ay Somaliland ay raadsanayso saaxiibo, sababta oo ah dalna keligii iskama taagnaan karo.
Haddii Carabta iyo Muslimiintuba ka sii dhago adaygaan Somaliland, waxa fursaddaasi ka faa’iideysandoonta Israa’iil.
Dalalka Carabtu waa in ay aqbalaan isbedelada gobolka iyo in ay fashilantay aragtidii mudnimada Soomaaliya ee 1960-kii, isla markaana aanay mar dambe soo noqon doonin Soomaaliya midaysan.
Somaliland waxa ay qayb ka ahayd 50% midnimadaasi guuldaraystay 1960-kii ee dadka gobolka ee Af Soomaaliga ku hadla, hase yeeshee maanta waxa ay ogaadeen in aanay wax faa’iido ah u lahayn la midawga Soomaaliya.
Sidaa awgeed, waxa ay go’aansadeen in ay gooni isu taagaan.
Dalalka Carabta, gaar ahaan Masar iyo khaliijku waa in ay waajahaan xaqiiqooyinka cusub ee Soomaaliyadii hore iyo in ay Somaliland jirayso haddii ay aqbalaan iyo haddii kaleba.
Bil-saraaxa, haddii Carabtu diido Somaliland, waxa xaqiiqo ah in Maraykanka, Israa’iil iyo Midawga Yurub ay aqbali doonaan Somaliland.
By Cabdulcasiis Al Mutairi
Email: Az.almutairi@yahoo.com

No comments:

Post a Comment