Tuesday, 23 February 2010

Suldaan Cismaan oo ka gubtay su'aal ahayd rayale ma la kulantay


Suldaan Cismaan Suldaan Cali Oo Ka Gubtay Su’aal Laga Waydiiyey Kulan La Sheegay In Madaxwene Rayaale Uu La Yeeshay

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah salaadiinta gobolka togdheer ee madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadiisa

“Adeer Su’aashadaaba Meel Ka Dhac Ah Ee Telefoonka Nooga Bax”

Suldaan Cismaan Suldaan Cali

Hargeysa,(GNS) – Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo ka mid ah salaadiinta gobolka togdheer ee madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin iyo xukuumadiisa si xoogle uga weerar jiray saxaafada oo la sheegay inuu kulan khaasa jimcihii todobaadkii hore kula yeeshay madaxweynaha qasriga madaxtooyad ayaa ka gubtay ka jwaabisteeda su’aal aanu ka waydiinay kulankaasi ay madaxwaynaha wada yeesheen isla markaana si cadhi leh telefoonka noogu xidhay.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo aanu shalay galab khadka telefoonka kula hadalnay waxna kaga waydiinay kulanka la sheegay inu madaxwaynaha la yeeshay iyo waxyaalaha ay ka wada hadleen maadaamo lagu tiriyo suldaan si wayn u taageera xisbiga KULMIYE hase yeeshee wuu ka gaabsaday inuu wax waraysiya ka bixiyo kulankaasi isaga iyo madaxwaynaha dhex maray, waxaanu si afgabaadsi ah noogu sheegay inuu mar gaara arimaasi saxaafada oo isku dhan uga warami doono.

Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar oo anu waydiinay inuu jawaab kooban naga siiyo oo kaliya inay madaxwaynaha kulmeen iyo sababta keentay inuu xadkaa uga warwareego arin u baahan haa iyo maya.

Hase yeeshee suldaanka oo si wayn uga gubtay isla markaana dareen cadhe leh ka muujiyey, ayaa waxa uu si kulul u yidhi “su’aashaada ayaaba meel ka dhac ah aar nooga bax telefoonka” intaa ka dib telefoonkiiba wuu nagu xidhay.

Inkastoo madaxweyne Rayaale iyo suldaan Cismaan Suldaan Cali kulan ay yeesheen aanu ahayn mid adag oo aan suuro gal noqon Karin si kasta oo ay aragtida siyaasada ugu kala figrad duwan yihiin oo ay siyaasadoodii hore wax iska badalaan, hadana waxa iswaydiin mudan sababaha suldaanku uga dhiidhiyey una sharaystay wax ka waydiinta kulanka la sheegay in madaxwaynaha ay wada yeesheen.


Haatuf

No comments:

Post a Comment