Sunday, 28 February 2010

Wasiirka maaliyada cawil cali ducaale oo diiday in uu ka qayb-galo shirka xeerka miisaaniyadda


Wasiirka Maaliyada Oo Markii Labaad Ka Muquurtay Aqoon Iswaydaarsiga Xeerka Miisaaniyada Ee Doodiisu Dhamaatay

Hargeysa, February, 28, 2010 (Haatuf) – Wasiirka maaliyada Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa markii labaad ka soo xaadiri waayey aqoon iswaydaarsi lagu gorfaynayo dhaqan galinta xeerka miisaaniyada ee doodiisu dhamaatay ee mudada labada sano ah horyaala golaha wakiilada Somaliland, kaas oo aanu ka soo xaadirin aqoon-iswaydaarsigii labaad ee loo qabtay xeerka miisaaniyada ee aan wali codka loo qaadin, oo uu shalay gudoomiyaha golaha wakiiladu C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) uu ka furay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo shalay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa ka furay shirkan lagu gorfeynayo hirgelinta xeerka Miisaaniyada qaranka, oo dabayaaqadii 2007-dii golaha wakiiladu ay ka doodeen balse aan cod loo qaadin ka dib markii wasaarada maaliyadu ay ka soo qayb gali wayday aqoon iswaydaarsigii hore ee xeerka miisaaniyada loo qabtay horaantii sanadkii 2007-dii.

Aqoon iswaydaarsigan lagu falanqaynayo xeerka miisaaniyada ee golaha wakiiladu ka dooday oo ah kii labaad ee golaha wakiiladu ay u qabtaan xeerka miisaaniyada, ayaanu wasiirka maaliyadu Xuseen Cali Ducaale (Cawil) aanu ka soo xaadirin aqoon iswaydaarsigaasi xeerka miisaaniyada, kaas oo uu ka soo qayb galay xaga xukuumada wasiirka Ganacsiga Abiib Xasan Filfil, goob joogna ka ahaayeen aqoon yahano ku takhasuusay arimaha dhaqaalaha iyo xildhibaano ka tirsan wakiilada.

Gudoomiyaha wakiilada Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo si rasmiya u furay aqoon iswaydaarsigaa xeerka miisaaniyada oo mudo sadex cisho ah lagaga doodidoono oo Guddoomiyuhu khudbad kooban u jeediyey kasoo qayb galayaashii aqoon iswaydaarsigaasi oo ay soo qaban qaabiyeen Gudida dhaqaalaha ee golahaasi ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisii

“Waa in Xeerkani taabo gala oo aynu ansixinaa maadaama oo miisaaniyad sanadeedka qaranku ay tahay wax sanad walba soo noqnoqonaya oo waana in xeerkan la hirgeliyaa oo aqoonyanada iyo haayada dawladuna ka tallo bixiyaan,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Cirro.

Sidoo kale, waxa isaguna ka hadlay shirkaasi Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha xildhibaan Maxamed X. Maxamuud Cumar-Xaashi waxaanu tilmaamay in xeerkani uu meesha ka saari doono muranada ka dhex aloosma Wasaarada Maaliyada iyo Wakiilada ee la xidhiidha ansixinta miisaaniyada.

Wasiirka Ganacsiga Md. Abiib Xasan Fil Fil, oo shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in sanad kasta la maqlo muran ka dhasha ansixinta miisaaniyada waxaanu ku dooday in dhinac uun uu khaladka leeyahay, waxaanu ku baaqay in shirkan oo kale laga wargeliyo Wasiirka Maaliyada ee Miisaaniyadu khusayso.

Wasiirka Ganacsigu wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka qeyb galo shirkan loogu gogol xaadhayo Xeerka Miisaaniyada.

Dhinaca kale in kastoo aan si rasmiya loo ogayn sababta wasiirka maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) uga soo daahiri waayey aqoon iswaydaarsigii labaad ee loo qabto xeerka miisaaniyada, ayaa hadana waxa ay ilo xogagaal ahi noo sheegeen in sababta wasiir cawil uga muquurtay kasoo qayb galka aqoon iswaydaarsigaasi markii labaad ay dabada ku hayso soo diyaarinta xeerkaasi oo ay ku doodayaan inaanay door wada tashi ku lahayn soo abuurista xeerkaasi, hase yeeshee ansixinta xeerkaasi miisaaniyada ayaa mudo laba sanadood ah u xayiran ismari waa ka dhex aloosan wasaarada maaliyada iyo gudi hoosaadka dhaqaalaha oo la xidhiidha arimaha miisaaniyada iyo xisaab xidhada, oo marar badan khilaafaad cakirani ku dhexmaray.

No comments:

Post a Comment