Sunday, 14 February 2010

Wefti ka Socda Komishanka Doorashooyinka oo Gaadhay Magaalada Burco

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa





Wefti ka Socda Komishanka Doorashooyinka oo Gaadhay Magaalada Burco
Burco (Jam)- Wefti ka socda Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo uu hoggaaminayo Gudoomiye-ku-xigeenka Md. Cali Khadar Xasan, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Burco, xarunta Gobolka Togdheer.

Afhayeenka Komishanka Mr. Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo shalay u warramayey xafiiska Jamhuuriya ee magaalada Burco, ayaa ujeeddada socdaalkooda ku sheegay mid la xidhiidha magacaabista iyo furitaanka xafiisyada Guddiga Doorashooyinka ee heer gobol iyo degmo iyo weliba dejinta nidaamka shaqaaluhu ku hawlgelayaan.

Md. Geelle waxa uu intaa ku daray in Komishanku isku qaybiyay laba qaybood oo u kala baxay bariga iyo galbeedka Somaliland, iyadoo socdaalkooduna la xidhiidho sidii loo furi lahaa xafiisyada komishanka ee gobollada iyo degmooyinka dalka, isagoo xusay inay hawsha ka soo bilaabi doonaan gobollada Sanaag iyo Sool, marka dambena u soo noqon doonaa dhismaha xafiisyada GobolkaTogdheer iyo degmooyinkiisa.

Dhinaca kale, waxa Afhayeenku caddeeyey in habeenimadii Jimcaha baabuur ay saarnaayeen Gudoomiye-ku-xigeenka Komishanka iyo xubno kale oo ka mid ah weftiga uu kula dhacay duleedka magaalada Burco, shilkaasna ku dhaawacyo fudud ka soo gaadheen Raabbi Cabdi Maxamed iyo Hinda Jaamac, kuwaasoo uu sheegay in hadda caafimaadkoodu wanaagsan yahay oo lagu daaweynayo cusbitaalka guud ee Burco.

Waa markii u horreysay ee Komishanka Qaranku Safar ugu baxo gobolladda bariga Somaliland tan iyo intii xilka loo doortay dabayaaqadii sannadkii hore.





Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend

No comments:

Post a Comment