Friday 19 March 2010

Beesha Bahabarceli (Samaroon) oo ku biiray Xisbiga Kulmiye

Duqayda iyo Waxgaradka Beesha Bahabarceli (Samaroon) ee Boorama iyo Saylac oo ku Dhawaaqay Inay si Buuxda u Taageersan Yihiin KULMIYE
Boorama (Jam)- Duqayda iyo waxgaradka beesha Bahabarceli [Samaroon] ee ku dhaqan degmooyinka Boorama iyo Saylac iyo degaannada hoosyimaad, ayaa ku dhawaaqay inay beeshoodu taageero buuxda u hayso xisbiga KULMIYE, wax arrintaas iska beddelayna aanay jirin.

Xubno ka mid ah odayada waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha Bahabarceli oo deegaanno kala duwan kala soo xidhiidhay wariyaha Jamhuuriya ee gobollada galbeedka Mr. Cabdiraxmaan Maxamed Habbane, waxay sidoo kale beeniyeen warar sheegayay in xubno beesha ka tirsani ay taageero u muujiyeen xisbiga UDUB, iyaga oo sheegay in arrintaasi ku kooban tahay laba shakhsi oo aan rayigooda gaarka ah beesha ku matalin, xisbiga UDUB iyo beesha Bahabarcelina ay waayo hore kala xidhiidh furteen.

Maxamed Ibraahin Qawrax [Farabadane] oo ka mid ah odayaaasha beesha Bahabarceli ee degaanka Gargooray, ayaa Jamhuuriya u sheegay in beesha BAHABAR CELI ay si buuxda u taageersan tahay xisbiga KULMIYE oo ay horeba u taageersanayeen, waxana hadalkiisa ka mid ahaa; "Dhawaaqa yar ee aad Xariirad ka maqasheen waanu dabagalnay wuxuu ahaa wax ku kooban laba shakhsi, ummadna kuma matali karaan, beesha Bahabarcelina taageeradeeda waa la ogyahay oo waa xisbiga KULMIYE, waxaanunakalsooni buuxda siin doonaa musharrixiinta KULMIYE ee doorashada soo socota Md. Axmed Siilaanyo iyo Eng. Saylici.”

Maxamed Ibraahin Qawrax waxa go’aankan ku weheiyay gudidad odayada beesha ee deegaanka Gargooray oo kala ah Muxumed Madar Wooble [Garbaje], Suge Xirsi Diiriye, Cabdi Warsame Xoosh, Cabaade Cige Faarax iyo Xasan Muxumed Ismaaciil.

Xubno kale waxa iyaguna Jamhuuriya kala soo xidhiidhay degaannada Boon, Xariirad, Ceelbaxay, Fiqi Aadan iyo Sh Awaare ayaa iyaguna ku dhawaaqay in beeshu si buuxda u taageersan tahay xisbiga KULMIYE wax arrintaas iska beddelayna aanay jirin shakhsiyaad iyo beeshuna kala miisaan weyn yihiin.

Abiib Rooble Xoosh oo ka mid ah duqayda beesha ee deegaanka Boon ayaa isaga oo ku hadlayay magaca duqayda Bahabarceli ee ee deegaanka Boob waxa uu yidhi; “Arrinta yar ee soo baxday waa war fakaday oo ay laba nin aqal hoostii ku qoreen, waxaanan ummadda u caddaynaynaa haba yaraatee inaanu jirin wax taageero ah oo ay beeshu u muujisay xisbiga UDUB. Annagu horreyso iyo dambaysaba waxa aanu nahay xisbiga KULMIYE. Waxa hore loo yidhi meel haddii lagu maydho waa lagu qallajistaa, markaa wax ay UDUB noo hayso iyo wax aannu u haynaa midna ma jiro.”

Cali Cabdillaahi Suldaan oo ka mid ah duqayda degaanka Boon ee nala soo xidhiidhay waxa hadalkiisa ka mid ah; "Bulsho iyo laba shakhsi way kala miisaan badan yihin. Waxa la yidhi, hangaraarac lug uma dhutiyo, laba qofna kalsooni beesha ma leexin karaan, waxaanan bayaankayagan ku muujinaynaa inaanu KULMIYE nahay horena KULMIYE u ahayn."

Xubnaha duqayda Bahabarceli ee degaanka Boon nagala soo xidhidhay waxa kale oo ka mid ah Saleebaan X. Muxumed Ibraahin, Rooble Nuur Kadiye iyo Cabdiraxmaan Dixood Malow.

Rooble Nuur Kadiye oo isna nala soo xidhiidhay ayaa sheegay in beesha Bahabarceli ee degaanka Ceel-baxay ay si buuxda u taageersan yihiin xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi; "Waxaannu ka xunnahay shakhsiyaadka ka been abuurtay masiirka beesha Bahabar celi oo hore cid ballan ula gashay ballankaas oo ah xisbiga KULMIYE-na way fulin doontaa, cidda run sheegaysa iyo ka beenta sheegayaana way kala caddaan doontaa, nin soori kaa qaadayna hore ayaa loo yidhi waa nin seefi kaa qaaday."

Intaa kuma koobna ee xubno kale oo fikirkan aaminsan kana cadhooday dhawaaqa xubnaa labada ah ee ay sheegeen ayaa nagala soo xidhiidhay meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin xariirad,Fiqi Aadan, Sh. Awaare iyo meelo kale.

Waxa kale oo odayaasha weriyaha Jamhuuriya kala soo xidhiidhay degaanka Xariirad ka mid ah Maxamed Muuse Kaahin, Cabdi Muumin Muuse, Saleebaan Garaad Rooble, Ibraahin Rooble Cabdalle iyo Aadan Cumar Dharaar.

Deegaanka Sh. Awaare waxa isna nagala soo xidhiidhay Caydiid Kaamil Khayre [Furjano], Cismaan Muuse Xoosh, Coofle Jaamac Xoosh, Diiriye Muuse Deheeye.

Deegaanka Fiqi Aadan waxa isna nagala soo xidhiidhay Cabdi Muxumed Qayaad, Cabdi Muumin Kaahin, Saleebaan Xuseen Cumar [Afartaba-qaad], Ibraahin Isaaq Axmed iyo Maxamed Cumar Fariid iyo xubno kale.






Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment