Showing posts with label war (gaax). Show all posts
Showing posts with label war (gaax). Show all posts

Wednesday, 10 February 2010

waqtiga doorashada oo dhakhso loo waadixin doono'' guddiga doorashooyinka''

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.


Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa


Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddida Doorashada Somaliland ayaa maanta ka warbixiyay halkay u marayaan hawlaha diyaar-garowga Doorashadu.

Afhayeenka Guddidan Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ay qaateen shaqaale cusub oo ilaa dhawr iyo toban qof.

Afhayeenku waxa kale oo uu sheegay in ay dalka yimaadeen khuburadii kala-shaandhaynta agabka kaydinta Liiska cod-bixiyayaasha Doorashada, waxaanu sheegay in ay hawshaa bilaabeen, isla markaana ay qaadan doonto muddo saddex bilood ah. “Khuburadaasi dalka way yimaadeen, hawshana way bilaabeen, isla markaana waxay noo sheegeen inay muddo saddex bilood ah qaadan doonto hawshaasi.” Ayuu yidhi Mr. Geelle.

Waxa kale oo uu sheegay in dalka lagu soo celiyay xogtii Diiwaangelinta oo hore loogu qaaday dalka Kenya, magaalada Nairobi, taas oo uu tilmaamay inay hadda gacanta ku hayaan. “Xogtaas waanu haynaa, waxaana naloo soo gudbiyay iyaga oo ay goob-joog ka yihiin Axsaabtu.” Ayuu yidhi Afhayeenku.

Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay Afhayeenku waxa ka mid ahayd; arrinta ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee Diiwaangelinta, taas oo uu sheegay in ay si waadix ah u shaacin doonaan oo ay Bulshada u gudbin doonaan. Waxaanu intaa ku daray in ay maanta u amba-baxayaan gobollada dalka, si ay u soo dhisaan guddidii gobollada ee Doorashada.

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

wararkasomaliland@gmail.com

Thursday, 4 February 2010

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Munaasibad lagu xusay Geeridii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale oo Hal Sanno ka soo wareegtay laguna qabtay Hargeisa.



"Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban" Suldaan Maxamed C/qaadir


Kulan Baroor diiq ah oo lagu xusayo Sannad Guuradii koowaad ee ka soo wareegtay Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale(Xoghayihii Guud ee Xisbiga Udub) oo lagu qabtay Magaalada Hargeysa. Kulankan oo ka qabsoomay Huteel Imperial ee Caasimada Hargeysa

Waxana Masuuliyiin tiro badan oo ka soo qayb galay ay si ba’an u weerareen Xukuumada Madaxwayne Rayaale gaar ahaan Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo ay sheegeen in uu ka baxay balantii uu qaaday dhimashada Xoghayaha guud ka dib in Agoontii uu Xoghayuhu in loo dhiso Guri Hanti ah.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa tallaabada Madaxwayne Rayaale ku tilmaamay mid ayaan daro ah in Madaxwaynuhu uu sidaa ku dhaqaaqo kana baxo balantii uu dhigay. Taasina ay ka sii daran tahay In dayntii uu Xoghayuhu u soo galay Xisbiga ilaa maanta loo haysto Eheliyada Dadkii uu ka tagay Marxuum Bulaale. “Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu balan qaadkii uu agoonta u sameeyay u fuliyo waa nasiib darro inaan wali waxba loo qaban. Waxaan leeyahay Madaxweyne wixii aad balan qaaday fuli ama waxba uma qaban karo dheh.”


Waxa kale oo isaguna Xuskaasi hadal ka jeediyay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray ayaa isaguna muujiyay sida uu uga xun yahay in Madaxwaynuhu aanu u qiimayn Marxuumkaasi “ oo ahaa” buu yidhi “Nin Xisbiga iyo Qarankaba ku wayn, hadii aanu fullin karaynin ha noo caddeeyo anaga ayaa Guri u dhisi Caruurtii Marxuumkee, Dayntii uu u galay Xisbiga Udubna ka bixin doonee”

C/laahi Ibraahim Xaaji Xasan, oo ku hadlayay Magaca Dhallinyarada Xisbiga Udub ayaa sheegay in ay tahay arin laga qoomamoodo iyada oo la xusayo Xoghayaha guud ee Xisbiga Udub in ay Madasha ka maqnaadaan Masuuliyiintii Xukuumada, arintanina ay caddaynayso in Xisbiga aanay joogin cid garanaysa milgaha iyo Xurmaha qof ahaaneed hadii uu dhinto iyo hadii uu Nool yahayba. Jagadii ama Xilkii uu Marxuum Bulaale banneeyayna aan loo dhiibin cid buuxin karta.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Gaadiidka Somaliland Saciid Sulub Maxamed oo ka mid ahaa Dadkii baroor diiqdaasi hadalka ka jeediyay ayaa yidhi “Xuska Shahiid Maxamed Ismaaciil Bulaale ilaahay naxariistii jano ha ka waraabiyee cidii soo abaabushay aad iyo aad ayay u mahadsan yihiin. laakiin Maxamed nin xisbi iyo nin qabiil waligii muu ahayn oo wuxuu ahaa mid hawl qaran uun hayay illaa maalintii uu ka geeriyooday. Waxaan ka codsan lahaa qoladii xafladan soo abaabushay inay xaflad labaad loo sameeyo oo tan ka balaadhan oo ay ka soo wada qeyb galaan dadkii yaqaanay taariikhdiisa ee reer Somaliland oo dhami.”
Waxaanu Wasiirku ka gaabsaday in uu sheego in Xukuumada Madaxwayne Rayaale ay balantii kaga baxday iyo hadii ay bixinayso labadaba. isagu ka gaabsada


Xafladaasi oo ahayd mid Baroor diiq ah ayaa waxa ka soo qeyb galay Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray, Suldaan MaxamedC/qaadir, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Md. Siciid Sulub Maxamed, Salaadiin, Xildhibaano iyo qaar ka mid ah carruurtii iyo ehaladii Marxuum Maxamed Ismaaciil Bulaale.

Wednesday, 3 February 2010

siilaanyo oo socdaalkiisii maraykanka reer somaliland warbixin ka siinaaya hotel Maansoor- Daawo Sawirada 20100203

Somaliland-Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Kulan Taarikhiya Gudomiyaha Barlamanka S-Land Iyo Dhigiisa Dalka Sweden 20100203

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun

Kulan Taarikhiya Gudomiyaha Barlamanka S-Land Iyo Dhigiisa Dalka Sweden



Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden waxa uu sheegay in uu ku farxsanyahay horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina

Stockholm(GNS)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane Abdirahman M Abdillahi(Cirro) ayaa maanta oo bishu tahay 2 february lagu qaabilyey Baarlamaanka Sweden.

Gudoomiye Cirro waxa qaabilyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudane Per Westerberg oo si wacan u maamuusan u qaabiley Mudane Cirro. Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudane Per Westerberg waxa uu Gudoomiye Cirro u sheegay in uu ku faraxsanyahay inuu qaabilo wefdiga uu hoggaaminayo Mudane Abdirahman M Abdillahi.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland waxa weheliyey kulankaas Xildhibaan Ibrahim Mahdi Buubaa iyo Wakiilka Somaliland ee Sweden Mudane Eidarus Sh Adan. Mudane Cirro waxa uu warbixin ku saabsan Barlamaanka Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiyada siiyey Gudoomiye Per Westerberg.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden waxa uu sheegay in uu ku farxsanyahay horuumarka fiican ee ka socda Somaliland. Taasina ay tahay mid la dhiiri geliyo. Waxca uu Gudoomiyaha Baarlamaanka Sweden Mudaane Per Westerberg ku ballan qaaday in uu ka shaeqeyn doono sidii aqoon isweydaarsi loo sameyn laha ku saabsan labada Gole.

Booqashada uu Gudoomiye Cirro iyo xildhibaan Ibrahim Mahdi Buuba ay ku tageen dalka Sweden waxa ka dembeeyey casuumad ka timi Baarlamaanka Sweden. Intaaney labada gudoomiye kulmin waxa uu Gudoomiye Cirro la kulmey madax ka socota Gudida Distoorka ee Barlamaanka Sweden. Halkaas oo looga waramey sida ay Gudiyada Baarlamaanku u shaqeeyaan guud ahaan, khaastana Gudida Distoorka.

Gudoomiye Cirro intaa uu booqashada rasmiga ah ee uu ku joogo Sweden waxa uu la kulmi doona madax ka socota Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Sweden. Waxa kale oo uu booqan doona Gudida Dorashada ee Sweden (Swedish Election Authority).

Waxa kale oo maalinta jimcaha5 february ka dhici doona Baarlamaanka Sweden siminaar ku saabsan doorashada Madaxweynaha ee soo socota. Siminaarkaasna waxa ka soo qeybgeli doona madax ka socota Arrimaha Debedda ee Sweden iyo Xildhibaano ku jira Baarlamaanka Sweden iyo Hayaddo u hadla xuquuqda Aadamaha.

Booqashadan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somalialnd uu ku joogo Sweden waa mid taariikhi ah. Waa markii ugu horeysay ee Gudoomiye Cirro lagu qaabiley heerka ugu sareeya. Taasina waxa ay tuseysa in Dawladda Sweden iyo Baarlamaanka Sweden ay rabaan in ay wax la qabsadaan Baarlamaanka iyo shacbiga Somaliland.

Mohamed Abdilahi Hassan
Freelance Journalist
Stockholm Sweden
Eidarusadan@hotmail.com