Showing posts with label war(haatuf). Show all posts
Showing posts with label war(haatuf). Show all posts

Saturday, 6 February 2010

Wasiirka Beeraha Ee Sucuudiga Oo Difaacay Maxjarka Berbera Iyo Shahaadada Caafimaadka Ee Uu Bixiyo

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun
Wasiirka Beeraha Ee Sucuudiga Oo Difaacay Maxjarka Berbera Iyo Shahaadada Caafimaadka Ee Uu Bixiyo





Waxa Uu Beeniyay In Go’aankii Xayiraada Lagaga Qaaday Xoolaha Soomaalidu Ahaa Mid Lagu Degdegay



Wasiirka Beeraha ee boqortooyada Sucuudiga Dr.Fahad Bil-Quneem ayaa sheegay inay si buuxda ugu kalsoon yihiin shahaadadaha caafimaadka xoolaha ee uu bixiyo maxjarka Berbera ee ay maamusho shirkadda Gulf International ee fadhigeedu yahay Rasal Khayma ee dalka Imaaraadka Carabta.

Shir jaraa’id oo uu maalintii Salaasadii ku qabtay caasimada Sucuudiga ee Riyadh, wasiir Bal-Quneemi waxa uu si kulul ugu beeniyay warar uu wargeyska maxali ah oo Sucuudi ah ku daabacay toddobaadkan oo ku tilmaamay go’aankii ay Wasaaradda Beeruhu ku qaaday xayiraadii saarneyd soo gelitaanka xoolaha Soomaalida inuu ahaa mid lagu degdegay iyo in wasaaradu ay go’aankaas gaadhay iyada oo aan wefti farsamo u dirin labada Maxjar ee Berbera iyo Boosaaso, si loo soo ogaado habka ay u shaqeeyaan iyo tayada iyo kartida qalabka iyo shaqaalaha ay adeegsadaan.

Dr.Bal-Quneemi oo arrintaasi ka jawaabayaana waxa uu yidhi “Wasaaraddu waxay go’aanka qaadista xayiraada gaadhay kaddib markii ay aragtay warbixin ay soo saartay hay’ada caafimaadka xoolaha ee adduunka OIE kaddib markii ay hay’adaasi koox khubaro ah u dirtay Maxjarada Berbera iyo Boosaaso si ay u soo qiimeeyaan”.

Wasiirku waxa uu sheegay in warbixintu ay xustay in labada Maxjar ay buuxinayaan shuruudihii farsamo iyo aqooneed ee lagu xidhi jiray Maxjarada kale ee lagu baadho caafimaadka xoolaha kahor inta aanay soo gelin dalka Sucuudiga.

“cida shahaadadaha caafimaadka soo saarta ee ansixisaa waa cido rasmi ah oo aanu ku kalsoonahay shuruudihii farsamo iyo aqooneed siday ka marag kaceyso hay’ada OIE”.

Bal-Quneem waxa uu qiray in Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda TFG uu mar xukuumadda Sucuudiga ka dalbaday in aanay la macaamilin Maxjarka Berbera balse uu isla Wasiirkaasi uu soo gaadhsiiyay qoraal dambe oo go’aankiisii hore ka dhigaya waxba kama jiraan.

Ganacsadaha xoolaha ee Abu Yaasir ayaa isaga oo adeegsanaya Warbaahinta todobaadkan horaantiisii bilaabay olole uu ku faafinayo dacaayado ka dhan ah caafimaadka xoolaha dekedda Berbera looga dhoofiyo dalka Sucuudiga, waxaanu Wasaaradda Beeraha ee dalka Sucuudiga ku dhaliilay xayiraadii ay dhawaan ka qaaday soo gelitaanka xoolaha Soomaalida, taas oo uu ku tilmaamay inay ahayd talaabo lagu degdagay iyada oon marka hore la hubin in xoolaha la soo mariyo dekedaha Berbera iyo Bossaso ay ka caafimaad qabaan cudurka Rift Valley Fever iyo cudurada kale ee ku dhaca xoolaha ee khatarta ku keeni kara caafimaadka dadka cuna hilibka xoolahaas.

Abu Yaasir oo ah maalqabeen Sucuudi ah oo ka ganacsada xoolo dhoofinta waxa uu haatan gacanta ku hayaa maamulka maxjarka Djibouti waxanu in muddo ahba ku dedaalayay inuu Maxjar ka dhisto Berbera. Hase yeeshee waxa arrintaasi kula tartamay ganacsade kale oo Sucuudi ah oo magiciisa la yidhaahdo, Al-Jaabiri, kaas oo aakhirkii ku guuleystay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad fasax ah oo uu ku dhiso Maxjar lagu baadho caafimaadka xoolaha ka hor intaan loo dhoofin dalka Sucuudiga.

Haddaba Abu Yaasir ayaa haatan u muuqda nin ka qancay in xukuumadda Somaliland siiso ruqsad uu ku furto Maxjar u gaar ah, waxanu bilaabay inuu Wargeysyada Sucuudiga ku faafiyo dacaayado uu ku sheegayo in xoolaha laga soo dhoofiyo dekedda Berbera iyo Boosaaso ay dalka Sucuudiga soo galaan iyada oon la hubinin inay caafimaad qabaan iyo in kale.

Dacaayadaha Abu Yaasir ka faafiyo caafimaadka xoolaha ka dhoofa Berbera waxa u dambeeyay maqaal dheer oo arrintaas ku saabsan oo uu todobaadkan soo daabacay wargeyska Al-Riyaadh oo ka soo baxa caasimadda dalka Sucuudiga, maqaalkaas oo uu wargeysku ku dhaliilay Wasaaradda Beeraha ee Sucuudiga in dalkoodu xoolo ka keensado “wadan aan la aqoonsaneyn oo gooni goosad ah, isla markaana aanu ka jirin wax nidaam iyo kala dambeyn ahi”.

Maqaalka uu wargeyska Al Riyaadh soo bandhigay waxa uu Maxjarka Berbera ku sheegay inuu yahay mid aan dhameystirnayn oo aan laheyn imkaaniyaadkii caafimaad iyo farsamo ee loo baahnaa “ Maxjarka Berbera waxa laga dhisay magaalada Berbera dhexdeeda halkii ay ahayd in uu ka fogaado meelaha ay dadku ku nool yihiin, waana wax lala yaabo in Maxjarkaas oo ka kooban 42 xero oo qudha ku filnaado baadhitaanka caafimaadka 480 kun oo neef muddo 8 maalmood ah, sida dhacday Mawsimkii Xajka, taas oo muujinaysa in xoolaha Sucuudiga soo galay ee Berbera ka yimid ay badankoodu ahaayeen qaar aan Maxjarka la soo marin oon caafimaadkooda la baadhin”.

Warageyska Al Riyaadh ma sheegin ilaha uu macluumaadkaas ka soo xigtay.

balse waxa uu daliil uga dhigay Document uu soo daabacay oo ah warqadii caafimaadka xoolo dhoofinta ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, taas oo ay Wasaaraddu ku ogolaanayso 21/11/2009 in shirkadda Gulf International ee maamusha Maxjarka ay dalka Sucuudiga u dhoofiso 6000 neef.

Al Riyaadh waxa kale oo Wasaaradaha Beeraha iyo Ganacsiga ee dalka Sucuudiga ku dhaliishay inay tixgelin waayeen warqad uu u soo qoray 21/6/2009 Wasiirka Ganacsiga ee xukuumadda Sheekh Shariif, taas oo uu kaga dalbanayay in dawlada Sucuudigu wixii ku saabsan xoolaha Soomaalida ee uu Sucuudigu soo waaridto ay kala soo xidhiidhaan oo keli ah xukuumadda Federaalka ah ee dhexe oo aanay kala xidhiidhin cidda gacanta ku haysa maamulada iyo Maxjarada Berbera iyo Boosaaso.

Maqaalkan oo nuxurkiisu ahaa in dawladda Sucuudigu ay xayiraad cusub ku soo rogto xoolaha ay ka keensato Berbera, waxa uu inta badan ka koobnaa macluumaad ay Wargeyska siiyeen Abu Yaasir iyo nin Masriga ah oo la shaqeeya oo magiciisa la yidhaahdo Saalax Al Hindi.

Haatuf

Tuesday, 26 January 2010

garaaddada dhulbahante iyoshirkii Hoholhol 20100126


“Anaga Cidi Nagama Joojin Karto Shirkayaga Hadalkoodana Ma Qaadanayno, Meelahaasi Ayaanay Warwareegayaan” Garaad Saleebaan

HOLHOL, January 26, 2010 (Haatuf) – Shirqoolka shirka tuulada HOLHOL uga bilaabmay Garaadada beesha Dhulbahante oo la sheegay in loo qabtay arimo ku lidi ah qaranimada somaliland isla markaana lagu mijo xaabinayo jirintaanka Somaliland ayaa iskugu tagay wafti ka socda somaliland oo uu hogaaminayo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada somaliland oo ay weheliyaan wasiirka cadaalada Axmed Xasan Cali (Casoowe) wasiiru dawlayaasha waxbarashada Maxamud Garaad Maxamed, Kaluumaysiga Cabdi Xirsi Ducaale, wasiir ku xigeenka hawlaha guud C/risaaq Cawil Bacaluul iyo siyaasiga Axmed Cabdi Maxamud (Xaabsade) iyagoo isla shalay galabna ay gaadheen wafti ka socda Maamulka Puntland oo uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka maaliyada C/qawdhan warsame ( cabdi halas) oo ay wehelinayaan xildhibaano ka tirsan Maamul Gobaleedka Puntland oo kasoo jeeda dhalasho ahaan gobolka Sool.

Shirkaasi uga socda Garaadada Dhulbahante ee Somaliland diidka ah tuulada HOLHOL ee dhinaca waqooyi bari magaalada Laascaanood uga jirta masaafo dhan 70km isla markaana ay ku gadaaman yihiin ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanadaasi gobolka Sool ayaa waxay markii ugu horaysay Garaadada Beesha Dhulbahante ee shirkaasi abaabulayaa ay shaaca ka qaadeen inaanay cidna u daba fadhiisanayn qabsoomida shirkoogaasi kuna tilmaameen inaanay dawlada Somaliland marnaba aanay ka joojin Karin shirkoodaasi.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo ka mid ah qaban qaabiyayaasha kulanka isimada beesha Dhulbahante oo ka waramaya kulankooda ayaa sheegay in aanu shirkani ay iskugu yimaadeen dhamaan isimada beesha Dhulbahante aanu la xidhiidhin dhinacyada siyaasada, isagoo intaa ku daray inay shirkan kaga wada tashanayaan sidii ay isimada beesha Dhulbahante u midoobi lahaayeen isla markaana arimahaa ku saabsan dhaqanka iyo deganaanshaha deegaanka “Waxa loogu baaqay dhamaan isimada beesha Dhulbahante gude iyo dibadba, isimadiina way joogaan, shirkaasina wuxuu ku saabsan yahay ka tashiga midnimada Dhulbahante waana shir aan siyaasad shaqo ku lahayn oo loogu talo galay arimaha dhaqanka isimada beesha Dhulbahante oo kaliya, waxaana ka soo qayb galay isimadii oo dhan shirkiina wuu socdaa haatana gabogabo ayuu ku dhaw yahay qodobada go’aanka ka soo baxana saacadaha soo socda ayaa lagu dhawaaqi doonaa”
dhinaca kale Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamud oo ka mid ah Garaadada Somaliland-diidka ku caanbaxay oo isna ka mid ah Garaadada goobta ku sugan oo warbaahintu wax ka waydiisay ciidamada Somaliland ee ku gadaaman goobta, in shirka laga joojiyey iyo in kale ayaa sheegay inaanay cidina ka joojin Karin shirkooda isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “anaga cidi nagama joojin karto shirkayaga hadalkoodana ma qaadanayno, meelahaasi ayaanay wareegayaan gabogaboda shirkana wixii go’aan ah ee kasoo baxa Media ayaanu ka sheegaynaa, bari (maanta) ayuu soo gabogaboobaya marka shirku dhamaado ayaa go’aamada la sheega, shirka oo socda waxba lama sheego”

Dhinaca kale waxa ay dadwaynaha reer Somaliland is waydiinayaan sababta ay madaxda qaranka Somaliland ee ku sugan shirkaasi ay uga hadli waayeen arimahan ku lidiga ah Somaliland ee ka soo yeedhaya Garaadada gobolka Sool, iyadoo wakhtigan xaadirka ahna lays waydiinayo sababta keentay madaxda Somaliland iyo kuwa Puntland ka socda ee shirkaasi iskaga milmay iyo asbaabaha ay xukuumada Somaliland uga aamusan tahay weedhaha kulkulul iyo hanjabaadaha kasoo yeedhaya xubnaha Garaadada ah ee iskugu yimid shirkaasi HOLHOL oo iyagu meelkasta ka sheegay in Somaliland ay dagaalo culus la galidoonaan, isla markaana ay ka xorayn doonaan deegaamada Gobolka Sool.

Dhinaca kale Garaad Jaamac Garaad Cali oo isagu doraad tuuladaasi HOLHOL markii ay ciidamada qaranka Somaliland soo galeen uga baxay tuulada Saalax dheer ayaa la sheegay inuu shalay galab dib ugu soo noqday tuuladaasi shirku ka socdo ee HOLHOL.

Garaadada shirkani u socday ayaa waxa ka mid ahaa Garaaad Abshir Saalax, Garaad C/laahi Ciise, Garaad Cismaan Mashqare, Boqor C/laahi Maxamed , Garaad Cali Buraale, Garaad Saleebaan Buraale iyo Suldaan Siciid Ismaaciil.

--------------------------------------------------------------------------------