Baankii JSL oo Albaabada loo Xidhay!!
Baanka Somaliland ayaa muddo laba bilood ka badan ay Albaabadiisu xidhan yihiin, waxaana arrintaas ka dhashay Dareen dadku ay isku weydiinayaan sababta dhalisay in Baanka Dhexe oo hore uu furnaan jiray Albaabka weyn ee laga galaa uu u xidhan yahay muddo ka badan laba bilood taasoo aan ilaa hada la garanayn waxa kalifay.
Caadiyan wax dabayaaqada sanad kasta dhici jirtay in muddo labaatan cisho ah ay masuuliyiinta Baanku xidhi jireen shaqada Baanka Wixii ka badan kharashaadka caadiga ah taasoo mudadaa Wixii ka danbeeya la furi jiray balse arrintan oo ka gedisan sidii hore ayaa dhalisay dareen dadka cabsi galisay oo isla markaana la isweydiiyay waxa ku soo kordhay
Waxaanay dadka intooda badani maalmahanba lahaayeen Baankii maxaa ku dhacay?, maxaa albaabka loo furi waayay?, miyaanay shaqo meesha ka socon, balse ilaa hada wax jawaab ah umay helin maadaama inta badan ay adag tahay inay war bixiyaan Masuuliyiinta Baanku
Sidoo kale waxa aad maqlaysaa marka aad ag marayso Baanka dad hadal haynta arrintani ka soo duul-duulayso, iyagoo is weydaarsanaya waar meesha miyaanay Saxaafadu arag maxaa looga warami la' yahay Baankan xidhan mudada, iyadoo inta badana aad arkayso dad tuman albaabka kadib markii ay gali kari waayeen ama dad ku soo hungoobay oo lacago u doontay oo la yidhi lacagi ma taalo
Sidoo kale shaqaalaha kala duwan ee Dawladda ayaa iyaguna aad uga warwarsan arrintan kuwaasoo duruufo badani ku kalifaan inay kolba u war-doon tagaan bal in Mushaharadoodii yarayd loo soo dhigay oo uu shaqaynayo hadana fooda ku soo dhufta albaabka xidhan taasoo ku abuurta walaac iyo wal-bahaar badan maadaama inta badan lacagta ay qaataan aanay buurnayn balse hadana dantu ku kaliftay inay isaga dabaraan qayb ka mid ah baahiyahooda gaar ahaana kuwa daruuriga ah ee ay ku farsameeyaan daymaha ay ka qaataan meheradaha agtooda ah.
Inkasta oo ay Baanka dhexdiisa sida la filayo ka socdaan hawlo yaryar oo si hoose loo qabto, hadana waxa meesha ka baxay hawlihii sida rasmiga ah Baanku u qaban jiray, waana markii ugu horaysay ee inta la ogyahay uu Baanku sidan oo kale u xidhnaado mudo intaa le'eg, tanina waxay curyaaminaysaa hawlo badan oo qaranka loo qaban lahaa. Gaar ahaana iyadoo lagu jiro xili doorasho oo loo baahnaa in la helo dhaqaale lagu kala wado hawlaha.
Waxaanay arintani ku soo beegantay iyadoo la sugayo miisaaniyadii Qaranka oo ilaa hadda aan la hayn, marka labadaa arimood la isku darana dadku waxay sheegayaan inuu jiro dhaqaale la'aan soo waajahday xukuumadda oo loo malaynayo inay masaluftay.
Xigasho: Waaheen

No comments:
Post a Comment