Monday 22 February 2010

biriijka cusub ee Burco



Burco(iftinnews)02/21/2010munaasibad si wayn loo soo agaasimay ayaa loogu wanqalay biriiskii afraad ee laga hirgaliyo magaaladda burco biriiskan ayaa ah mid ay si gaara u dhisay shirkadda wadaniga ah ee dahabshiil dhinaca kalena waa biriiskii labaad ee ay shirkadu gaar ahaan u dhisto munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen ,salaadiin ,culumo aw diin , wasiiro, guddiga horumarinta gobolka togdheer,abwaano, ganacsato ,iyo masuuliyiinka socday xisbiyadda mucaaradka ayaa dhamaan dadkii kasoo qayb galay u mahadnaqeen shirkadda wadanika ah ee dahabshiil company.

dhinaca kalenna masuuliyiin u hadlay shirkadda dahabshiil ayaa sheegay inay halkaasi kasii wadi doonaan wax u qabadka wadanka somaliland .

munaasibadda oo ahayd mid aan hore loo arkin ayaa waxaa mucaarad iyo muxaafid laysla qaatay sidii wax loogu qaban lahaa wadanka somaliland , iyadda oo si gaara loola hadlay dadka reer burco.

biriiskan oo uu xadhiga ka jaray wasiirka hawlaha guud iyo guriyayna siciid sulub maxamed ayaa u mahadnaqay shirkadda dahabshiil waxaanu ugu baaqay shirkadaha kale inay ku daydaan shirkadda dahabshiil company

sidoo kalenna wasiirka hawlaha guud ayaa sheegay inay shirkadda dahabshiil wax wayn ka qabadtay hawlo u yaalay wasaaradiisa waxaanu sheegay inay dhamaan wax qabadka shirkadu quseeyaan wasaaradiisa .

ugu dambtii waxaa shirkadda dahabshiil loo aqoonsaday shirkadda ugu fiican shirkadaha wadan

sawiradda xafladda , ereyadda , iyo waxqabadka shirkadda dahasiil kala soco halkan

saleban sahal jamac

tell:4343677

No comments:

Post a Comment