Monday 22 February 2010

dhugad iyo cabdi waraabe oo ku jira guddda cusub ee joogtada


Golaha Guurtida oo Cod Aqlabiyada ah Ku Ansixiyay Guddida Cusub ee Joogtada iyo Wajiyadii Khilaafku U Dhaxeeyay Oo Ku Wada Jira Guddida Joogtada ah.
Hargeysa(Ramaas) Feb.22, 2010 - Shirgudoonka Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta Golaha horkeenay lixdii Guddi hoosaad ee Aqalkaasi ee ay soo magacaabeen dhawaan markii Goluhu sidaasi ku heshiiyay.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo uu Guddoominayay Gudoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa madasha ka soo xaadiray 56 Mudane waxaana Golaha loo akhriyay Magacyada Mudaneyaasha ku jira lixda Guddi hoosaad, ka dibna waxay Goluhu ansixiyeen Guddida cusub ee Joogtada oo ah Guddida ugu xasaasisan waxaana ogolaaday 49 Mudane, waxa diiday 5 Mudane, 1 Xildhibaan ayaa ka aamusay Guddoomiyuhuna muu codayn.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa hadal kooban oo uu ka jeediyay fadhigaa sheegay in Goluhu soo afjaray khilaafkii dhexdooda yaalay, waxaanu xusay in shirgudoonku ay u dhan yihiin magacaabista Guddi hoosaadyadan cusub.
Guddidan joogtada ah waxa ku wada jira Xildhibaano aad ugu kala duwan fikirka, magacyadooduna waxay kala yihiin sidan
1- Xaaji C/Raxmaan Cismaan Jaamac
2- Axmed-nuur Aw Cali Aadan
3- Yuusuf Cabdilaahi Cawaale
4- X. Cabdi Xuseen Yuusuf
5- Farxaan Ciise Ubaxle
6- Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad)
7- Muxumed Aw- Axmed X. Aadan
8- Suldaan Ismaaciil Suldaan C/Raxmaan
9- Axmed Jaamac Faarax
10- Khadar Xuseen Sahal
11- Caydiid Cabdi Maxamed
12- Maxamed Ducaale Qurux
13- Maxamed Jaamac Abokor
14- Maxamuud Xareed Rooble
15- Yuusuf Sh. Axmed Nuur
16- Diini Cabdilaahi Hande
17- Maxamed Nuur Sugaal
18- C/Casiis Maxamed Gaaxnuug
19- Khadar Ismaaciil Cabdi
20- Maxamed Hirad Shirtag
21- C/Salaan Maxamed Siciid
22- Axmed Xasan Saalax
23- Cismaan Cali Cabdi
24- Xasan Cumar Axmed
25- Xirsi Ciise Jaamac
Guddi hoosaadyada Golaha ayaa dhexdooda iska dooranaya Guddoomiye iyo Xoghaye waxaana maanta Goluhu galay fasax dhan lix todobaad.


Ramaasnews Desk
Hargeisa

No comments:

Post a Comment