Tuesday, 16 February 2010

Khilaafkii guurtida somaliland

Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun.
Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa



Golaha Guurtida Somaliland Ansixiyay Go’aankii Guddidii Xal U Helida Khilaafaadka Aqalkaasi
Guddidu Waxay Laashay Labadii Guddi Joogto ee ay soo kala Magacaabeen Guddoomiyaha iyo Labada Guddoomiye Ku Xigeen

Hargeysa(Ramaas) Feb.16, 2010 - Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ogolaaday soo jeedintii Guddida xal u helida khilaafaadka Golahaasi oo maanta Xildhibaanada hor keenay Go’aan ka kooban laba qodob, oo ay ku soo afjarayeen khilaafkii u dhaxeeyay xubnaha Shirgudoonka iyo Goleweynahaba.
Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida oo ay ka soo xaadireen 62 Mudane waxa Golaha loo akhriyay Go’aankii Guddidaasi oo laashay Guddiyadii Joogtada ee hore oo ay sheegeen in aan midkoodna sharci ahayn oo aan golaha laga ansixin.
Warbixintii Guddidu waxay u dhignayd sidan
"Guddida xal u helida khilaafaadka Golaha Guurtida
Markay arkeen Xeer Hoosaadka Golaha Guurtida JSL.
Qodobkiisa 4-aad. Xarafka (D) oo tilmaamaya in awooda isku shaandheynta ay leeyihiin Shirgudoonku.
Markay darseen in nuxurka khilaafku ku salaysan yahay qodobkaasi kor ku xusan
Marakaanu ogaanay in Guddidii hore ee Joogtadu aanay sharci ahayn, Goluhuna ansixin hase yeeshee ay shaqo gashay ta cusubina ay la mid tahay.
Markaanu aragnay soo jeedintii labada Guddoomiye Ku xigeen, Goluhuna ayiday kuna taariikhaysnaa 09/01/2010-ka ee kalfadhiga 39-aad, ee nuxurkiisuna ahaa in shirgudoonku iskaga yimaadaan isku shaandheynta soona saaraan wax ay u dhan yihiin.
Markay noo caddaatay in shirgudoonku ku heshiin waayay isku shaandheyntaasi.
Markaanu garowsanay in khilaafka labada Guddi uu saameeyay Golaha aqlabiyadiisii (50 Xubnod)..
Waxay Guddidu soo saartay Go’aankan
1- Inaan labada Guddi joogto (tii hore iyo ta cusub) midna sharci ahayn, sidaasi daraadeed Guddidu way laashay labadaba.
2- In shirgudoonku soo sameeyo isku shaandheynta Guddiyada inta ka hadhay kal fadhiga 39-aad isla markaasna Guddida joogtada ah la soo hor dhigo Golaha si loo ansixiyo.
Fiiro Gaar ah
Isku dhacyadii dhex maray Xubnaha Golaha, Guddida ayaa si gaar ah u galaysa."
Magacyada Guddida
1- Md. Sh. Khaliif Sh. Xasan Gudaal Guddoomiye
2- Md. Aadan Shire Faarax Xubin
3- Md. C/Qaadir Aw- Xuseen Mire
4- Md. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
5- Md. Farxaan Ciise Ubaxle
6- Md. Xirsi Ciise Jaamac
7- Md. Yuusuf Sh. Axmed Nuur
8- Md. Maxamed Xuseen Hurruuse
9- Cumar Maxamed faarax Xoghaye
Dhinaca kale, Xildhibaanada Golaha ayaa duuduub ku ansixiyay Qodobadan waxaana soo dhaweeyay Shirgudoonka Golaha oo sheegay inay soo dhisayaan Guddi hoosaadyo cusub.
Ramaasnews Desk
Hargeisa

No comments:

Post a Comment