Tuesday, 16 February 2010

Total, red sea iyo Berbera



Berbera (Jam)- Markab shidaal siday oo ay leedahay shirkadda waddaniga ah ee Red Sea, ayaa muddo afar maalmood ah dekedda Berbera ugu xanniban shirkadda shidaalka kootada ku haysata ee TOTAL.

Guddoomiyaha shirkadda waddaniga ah ee Red Sea Mr. Xasan Xaaji Maxamed Cige, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Berbera xalay Jamhuuriya khadka telefoonka ugu xajiiqiyey in markab siday shidaal isugu jira baatrool iyo naafato oo maalintii Jimcaha ee toddobaadkan dekedda Berbera soo gaadhay uu ilaa hadda u xayiran yahay shirkada TOTAL, isaga oo caddeeyey inay dacwad ku oogi doonaan TOTAL si ay magdhaw uga bixiyaan khasaaraha ka soo gaadhay markabka iyo shidaalka laga xanibay.

Mr.Xasan Xaaji Maxamed Cige oo ka hadlayey markabka shidaalka u siday ee shirkada TOTAL ka xanibtay waxa uu yidhi; “Waxay shirkadda TOTAL dekedda Berbera nagaga xannibtay markab shidaal siday oo ay iska leedahay shirkadda Red Sea, wuxuuna markabkaasi siday 1804 tan oo naafato ah iyo 700 tan oo baadrool ah, shidaalka iyo markabkaba waxa iska leh shirkadda waddaniga ah ee Red Sea. Markabka shidaalka siday wuxuu dekedda yimi maalintii Jimcaha ee toddobaadkan, ilaa muddadaasna wuxuu u xaniban yahay amarka maareeyaha shirkada TOTAL ninka la yidhaa Sacad Cilmi Jibriil, ninka maareeyaha ahna waa nin lanagu salliday oo ganacsigayaga iyo shidaalkayaga la col ah.”

Guddoomiyaha Red Sea oo aanu waydiinay sababta shirkadda TOLTAL u xanibtay markabka shidaalka u siday waxa uu ku jawaabay; “Horta waxaannu nahay shirkada wadani ah oo shidaalka ka ganacsata, markaa TOTAL waxay u aragtaa in aanu tartan kula jirno, shidaal kayaguna wuu ka jaban yahay oo ka tayo fiican yahay ka TOTAL dalka keento, markaa taasi ayey cadaawad noogu qaadeen oo ay nagu colaadinaysaa oo markabka shidaalka noo siday u xanibtay, imika oo qudha maahee hore ayey u dhacday inay sidan oo kale u xanibto shidaal aanu dalka keenay, dawlad iyo cid naga qabatana ma haysano, waxaanan xasuustaa intii ninkan Sacad la yidhaahdo maareeyaha ka ahaa TOTAL saddex wasiir oo wasaarada ganacsiga ah ayaa nagu soo maray, saddexdaa wasiirna Cismaan Qaasim Qodax oo qudha ayaa iska celiyey TOTOAL oo dhawrayey heshiiskii aanu la galnay oo marka xaaladuhu xumaadan madaxweynaha ku odhan jiray nimankan TOTAL hadii aanay shidaal hagaagsan keenayn iska qabo oo shirkadaha wadaniga ah shidaalka u daaya, wasiirkan cusub ee wasaaradda ganacsigu wuxuu la saftay oo naga raacay shirkada TOTAL mana aha nin wax ka qaban kara.”

Waxa kale oo aanu guddoomiyaha Shirkada Red Sea weydiinay inay markabka shidaalka u sida ee u xaniban TOTAL la socodsiiyeen wasiirka ganacsiga Somaliland, waxa uu ku jawaabay “Wasiirka ganacsiga waanu la xidhiidhnay, waxaanu nagu yidhi waan idiin baryaa TOTAL inay markabkiina xayiraada ka qaadaan, hadalkaasina wuxuu nagu noqday yaab iyo ama kaag, waana nasiib-darro in anaga oo ah muwaadiniin leh shirkad wadani ah in shirkad ajaanib ahi xayiraad na saarto, dawladuhuna sida ay u kala caqli badan yihiin ayey u dhiirigeliyaan ganacsiga wadaniga ah.

Waxaanan ummadda ogaysiinaynaa in aanan cidna u joojinay oo aanu shidal jaban oo tayo leh dalka keeni doono ilaa iyo inta aanu dhimanayno, waxa kale oo aanu ku hawlanahay in aanu shirkada TOTAL ku dacweyno khasaaraha naga soo gaadhay shidaalka ay naga xanibtay, habeen walbana lacag gaadhaysa $3500 doolar ayaa nagu socota inta markabku badda taagan yahay, waxaana dheer kharashaadka iyo cashuuraha dekeddu qaado, markaa khasaaraha kaga hadhi mayno TOTAL oo dawcad ayaanu ku oogaynaa.”

Shirkadda TOTAL oo xukuumadda Somaliland kula jirta heshiis ah inay muddo 50 sannadood ah kooto ku haysato ka ganacsiga shidaalka, ayaa mudadda dhibaatooyin iyo hadimooyin badan ku haysay shirkadaha wadaniga ah ee shidaalka keena, iyada oo golihii hore ee wakiilladu xaaraantimeeyeen heshiiska xukuumaddu kula jirto TOTAL.




Jamhuuriya Online

No comments:

Post a Comment