

Hargeysa, February 18, 2010 (Haatuf) – Laba iyo toban xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka caasimada Hargeysa ayaa Mooshin ay ku dalbanayaan kalfadhi aan caadi ahayn in golahooda loo qabto la sheegay inay u gudbiyeen shalay maayarka caasimada ahna gudoomiyaha golaha deegaanka Eng: Xuseen Maxamud Jiciir iyagoo isla markaana mooshinkoodaasi ku soo jeediyey in socdaalkii maayarku dhawaan kaga soo laabtay dalka Shiinaha aanu golahooda u sheegin xiligii safarkaasi uu u baxaayey goobta uu u socdaalayey, iyagoo tilmaamayna in wakhtigaasi uu socday kalfadhigii caadiga ahaa ee 57-aad oo ay ku jirtaya ajandihiisa miisaaniyada 2010-ka ee caasimada.
Mooshinkan la sheegay in maayarka caasimada Eng: Xuseen Maxamud Jiciir ay 12-kan xildhibaan u gudbiyeen ayaa waxa uu nuxur ahaan xambaarsanaa qodobo eedo dhaqaale ah oo ku saabsan dakhliga dawlada hoose, xisaab xidhka iyo miisaaniyad sanadeedka dawlada hoose ee Hargeysa.
Mooshinkan oo Nuqul ka mid ah wargeyska Haatuf uu helay oo ay 12 xildhibaan magacyadoodu ku saxeexan yihiin isla markaana ay ku socodsiiyeen duqa Caasimada, ogaysiina ku siiyeen Wasiirka arimaha gudaha, badhasaabka gobalka Maroodi Jeex iyo agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha ayaa isagoo dhamaystiran waxa uu u qornaa
Ujeedo: Shir aan caadi ahayn
Gudoomiye waxaan kula socodsiinaynaa in iyadoo uu socdo kalfadhigii caadiga ahaa ee 57-aad isla markaana ay ku jirtay ajandaha miisaaniyadii 2010-ka golaha deegaanka caasimada aad ka baxday iyadoo golaha iyo gudida joogtada aanad midna u sheegin ama aanad fasaxba waydiisan isla markaana aanad u sheeginba goobta aad u baxaysay iyo mudada aad maqnaanaysay sidaa darteed eyey adiga miisaaniyadii kuu sugaysaa ka dib markii gudoomiye ku xigeenka iyo xoghayuhu inay su’aalihii dakhliga iyo kharashka war sugan naga siiyaan, waxa kale oo shirkan noogu jira labadii qodob ee aad kalfadhigii hore codsatay in ka danbe lagu soo daro oo kala ahaa
1) xisaabtankii danta guud ee dhulka
2) xisaabtanka dakhliga hay’adaha iyo jaaliyadaha golaha ka soo gala oo miisaaniyad khuseeya iyo qodobadii ka hadhsanaa ajandaha kalfadhiga 57-aad. Sidaas darteed waxaanu gudoomiye kaa codsanaynaa inaad si dakhso ah inaad shirka u qabato si aan hawlaha golaha deegaanka iyo goluhuba aanay ugu xanibmin,
ku fadhiga golaha deegaanka shirkiisa 58-aad xusuusin iyo la socodsiin mudanayaal waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qodobadan kuwaasi oo ah sidan:-
Waxa kale oo mooshinkaasi ku lifaaqnaa qodobo ay ka mid yihiin
1) kalfadhigii 27-aad ee May 2005-ta waxa golaha la horkeenay baadhitaan ay sameeyeen gudi goluhu u diray kuwaas oo ka koobnaa shan xildhibaan waxaana laysla gartay qodobo ay badan oo ay ka mid ahaayeen joojinta raashinka lagu magacaabo raashinka shaqaalaha waxaanu leenahay goluhu dib haw eego qodobadii kalfadhigaasi oo lagu ansixiyey kalfadhigaasi oo ilaa maanta socda qodobada kalfadhigaas lagu joojiyey waxa ka hir galay isla markaasi wixii qodobadaasi ah ee la jajabiyey talaabadii sharci ee ku haboonayd halaga qaado.
2) La socodsiin- dakhliga ka soo gala hay’adaha ama deeqaha oo aan marna ka muuqan miisaaniyada iyo xisaab xidhka, taas oo ay goluhu waxba aanay ka ogayn deeqaha Hay’adaha iyo jaaliyadaha iyo ganacsatada guudka ka soo galay.
3) Lacagta la siiyo shirkadaha lacagaha la siiyey shirkadaha qashinka lagu wareejiyey ee DHIS iyo SABO WANAAG ee dhan 8’000$ bil walba laga bilaabo July 2007-dii taasi oo noqonaysa 240,000$ oo aan goluhu ka war haynin goobta loogu ogalaaday ama lagu ansixiyey.
4) Lacagtii kala wareejinta ee laga qaaday labadii shirkadood ee isgaadhsiinta STC iyo SOLTELCO ee la iibiyey halkay lacagtoodii ku danbaysay.
5) Labadii cagaf ee duuga ahaa ee la iibiyey oo aan goluhu waxba ka ogayn xaraashkooda iyo iibkooda miisaaniyada iyo xisaab xidhkana aan lagu soo darin goluhu wax hayska waydiiyo.
6) Lacagtii deeqda ahayd ee ganacsade Maxamed aw Siciid Geedi, uu ugu deeqay wadooyinka caasimada oo aan miisaaniyada iyo xisaab xidhka midna ka muuqan goluhu wax hayska waydiiyo.
7) Dhinaca kharash bixinta oo aan la marin nidaamkii jaranjarta ahaa ee kharash bixinta sida A) Qiimaynta hore ee injineeradad B) Time keeper (wakhti ilaaliye) C) Store keeper (hanti ilaaliye) D) Xisaabiye mashruuc E) Khasnaji F) Fore man (Kormeere) taasi oo hada mashruucyadaasi qiimayntooda iyo xisaabintooda ay ku ururto gacanta maayarka Eng: Jiciir, goluhu wax hayska waydiiyo.
8) Guryaha laga dhisay dayrka geerashka dawlada hoose waqooyigeeda iyo galbeedkeeda oo wax layska waydiiyo ma dawlada hoosaa leh mise dad gaar ah iyo maal gashiyada kale ee gudida fulintu galayso ee aan golaha waxba lagala socodsiin.
9) Sariibadaha June iyo Maxamed Mooge dib u dhiskii lagu sameeyey in maayarku ka war bixiyo cida maalgalisay iyo kharash ku baxay inta uu yahay iyadoo sariibada Maxamed Mooge tiraba sadex Hay’adood oo maalgashi ku sameeyey horteeda ku qoran yihiin dadwaynahaana maalgashaday.
10) Xisaabaha ka furan xawaaladaha Dahabshiil iyo Qaran ee dawlada hoose uga furan oo tiraba xisaabaha ka furan iyo xisaab cellinta dakhli iyo kharashka oo midna aanu ka muuqan xisaab xidhka guud ee dawlada goluhu wax hayska waydiiyo.
xubnaha soo jeediyey mooshinkaasi ee magacyadoodu ku saxeexnaayeen nuqulkaasi qoraalka ah ee aanu helnay ayaa waxa ka mid ahaa 12-ka xubnood:-
1) Ismaaciil Cabdi Cige
2) Khadar Axmed Like
3) Axmed Sandoon Xasan
4) Eng: Kayse Yuusuf Cali
5) Axmed Maxamed Siyaad
6) C/xakiin Maxamud Qasbaaye
7) C/xakiin Maxamed Xuseen
8) Xuseen Cismaan
9) Maxamed Xuseen Caabi
10)Yuusuf Kirix Cawad
11) Cabdi Cali Jaamac
12) Maxamed Faarax Qawdhan
Dhinaca kale maayarka Caasimada Eng: Xuseen Maxamud Jiciir oo aanu khadka telefoonka xalay kula xidhiidhnay si aanu wax uga waydiino in mooshinkaasi gacantiisa soo gaadhay iyo in kale ayaanay noo suuro galin inuu telefoonkiisa gacanta naga qabto.
No comments:
Post a Comment