Macamaral Qaddafi: Waa In Jihaad Lagu Qaado Swizerland, Dunida Islaamkana Ugu Baaqay In Laga Mamnuuca Diyaaradaha Swiss-ka Madaaradda Dunida Islaamka
Tripoli (Golisnews.com)-26/02/2010- Hogaamiyaha dalka Libiya Mucaramal Qaddafi ayaa markii ugu horaysay wuxuu noqday hogaamiyahii ka soo jeeday dunida Islaamka oo si badheedh ah ugu dhawaaqay in dalkiisu uu la gallaayo jihaad uu kala hortagaayo wuxuu ku tilmaamay dawlad saxnuuniyad ah oo cadaw u ah diinta islaamka oo uu ula jeeday dalka Swizerland oo dhawaan mamnuucday minaaradaha dhaadheer ee masaajidada.
Macamaral Qaddafi oo si badheedh ah baaqa jihaadka ah ugu dhawaaqaya ayaa wuxuu yidhi "diinta islaamku maaha mid si dhayal ah ku timid waa mid ilaahii abuuray dunidani uu soo dejiyey qof kasta iyo hogaamiye kasta oo muslim ahna waxaa waajib ku ah inuu difaaco diintiisa, in lagu gafo nebigii ugu mudna dunida Muxumed C.S.W iyo diintayada iyo masaajidayada waxaanu u arkayna in ay tahay dagaal cad oo nalagu qaaday, waxaan maanta ugu baaqaya dhammaan dunida islaamku inay jihaad dagaal ah kala hor tagaan dawladda saxnuuniyadda ah ee Swizerland oo dagaal cad diinteena ku qaaday" ayuu yidhi Mucamaral Qaddafi.
Col. Qadafi oo ka hadlaya qaabka loogu qaadayo jihaadkaasi Swizerland ayaa wuxuu yidhi "waxaan ugu baaqaya dadka muslimiinta ahi inay ka hor istaagaan diyaaradaha swissku inay cagaha soo dhigaan dalalka islaamka ah, maraakiibtoodu inay soo gallaan xuduudka dalalka islaamka ah, dadkooduna inay yimaadaan dalalka islaamka ah" ayuu yidhi mucamaral qaddafi hogaamiyaha militeryga dalka libiya.
Hadalkani ayaa wuxuu caqabad weyn ku noqday dalalka midawga yurub oo ku tilmaamay in ay ku noqotay u qaadan waa hogaamiye dal oo ku dhawaaqay in dagaal lagu qaado dal kale "ma hubo warkani mana xaqiijin karo waayo anigu maan arag maantana safar ayaan ka soo laabtay, laakiin sidaan maqlaayo haddii uu xaqiiq noqdo runtii waa waxaan hore u dhicin waxaana loo baahanyahay in xal laga gallo dhibaatadu halkay ka timid"sidaasi waxaa tidhi Mrs. Barons Ashton oo ah gabadha u qaabilsan arrimaha dibadda midawga yurub, waxay sheegtay Mrs Ashton in midawga yurub uu bilaabi doono waan waan siyaasadeed oo lagu dhamaynayo khilaafka labada dal.
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
Golisnews, London Information Centre
info@golisnews.com
Saturday, 27 February 2010
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment