Saturday, 27 February 2010

Gudoomiyaha iyo Gud Xigeenka Baarlamaanka Somaliland oo Dalka ku Soo Laabtay


Dhinaca midig eeg u codee (Siilaanyo kulmiye) (Faysal Ucid) (Rayaale udub) mid uun. Ha noolaato Awdal, saaxil ,sanaag, sool, togdheer, Hargeysa
gudoomiyaha iyo Gud Xigeenka Baarlamaanka Somaliland oo Dalka ku Soo Laabtay

Hargaysa (Halganews) Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro) iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay, Waftigan uu hogaaminayay guddoomiyaha Golaha wakiilada oo baryahanba socdaal shaqo ugu maqnaa wadanka Ingiriiska iyo wadamo ka tirsan woqooyiga Yurub oo ay ka heleen martiqaadyo rasmi ah.
Waftigan Baarlamanka Somaliland ayaa waxa uu ka koobnaa laba qaybood oo ay kala hogaaminayeen Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (cirro) iyo guddoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamanka Somaliland Md. C/casiis Maxamed Samaale.
Waftigan baarlamanka Somaliland oo uu hogaaminayo guddoomiyaha baarlamanka Md. Cirro ayaa shalay fiidkii markii ay soo gaadheen caasimada xog waran gaaban ka bixiyay socdaalkoodii shaqo.
Guddoomiyaha golaha wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) iyo xildhibaan Ibraahim Buubaa waxa uu guddoomiyuhu sheegay inay booqasho ku soo mareen wadamada Woqooyiga Yurub oo kala ah Sweden, Norway, iyo wadanka Finland. Wadamadaas oo ay ka heleen marti qaadyo rasmiya. Guddoomiyaha Golaha wakiiladu waxa uu sheegay intii ay wadamadaas booqashada ku joogeen inay kulamo la yeesheen guddoomiyaha baarlamanka wadanka Sweden iyo guddoomiyayaasha guddi hoosaadyada baarlamanka ee wadankaas. Wxa kale oo uu guddoomiyuhu sheegay inuu la kulmay madaxda wasaarada arrimaha dibada iyo wasiirka arrimaha Yurub ee wadanka Sweden.
Guddoomiye cirro waxa kale oo uu intaas ku daray in wadanka Norway markii ay gaadheen uu kulan la yeeshay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada, wadanka Finlanda waxa uu sheegay inuu kulan la yeeshay guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Finland iyo waaxda afrika iyo bariga dhexe ee wasaarada arrimaha dibada iyo ninka u qaybsan afrika wadanka Finland wasaarada arrimaha dibada.
Guddoomiyaha baarlamanku waxa uu sheegay in kulamadaas ay la yeesheen masuuliyiinta wadamadaas woqooyiga Yurub ee ay la kulmeen ay yihiin kuwo ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad, badhitaar fiicana u noqon doona ictiraaf raadinta Somaliland.
Guddoomiyaha baaralamanka Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) waxa kale oo uu sheegay, guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha wakiilada Md. C/casiis Maxamed Samaale iyo xildhibaan Aadan Tarabi Oogle iyaguna ay booqasho ku tageen wadanka Ingiriiska halkaasi oo ay kaga qayb galeen shir caalamiya oo ay iskugu yimaadeen wadamada Barwaaqa sooranka Reer Yurub oo lagu casuumay Somaliland taasi oo ka dhacay magaalooyinka London iyo Belfaas, shirkaasi oo qabsoomay 31 Junuary socdayna ilaa 6 February kaasi oo lagaga hadlayay guud ahaan nabada.
Guddoomiye cirro waxa kale oo uu sheegay in Somaliland wixii imika ka dambeeya shirarka ay yeelanayaan wadamada barwaaqa sooranka (common wealth), shir kasta oo ay leeyihiin ay Somaliland xubin noqon doonto.
Waftigan uu guddoomiyuhu hogaaminayay ayaa subaxnimadii shalay ka soo duulay magaalada Addis ababa kuna yimid xarrunta kililka shanaad ee ismaamulka soomaalida Itoobiya magaala madaxdiisa Jigjiga, halkaasi oo ay ka soo bilaabee socdaal dhinaca dhulka ah.
Waftigaa uu hogaaminayay Guddoomiyaha Golaha wakiiladu markay shalay soo fiidkii soo gaadheen caasimada JSL ee Hargaysa waxa uu xog waran kooban ka bixiyay socdaalkii shaqo ee wufuuda baarlamanku ugu kicitintay dalka Ingiriiska iyo wadamada woqooyiga Yurub waxa uu u dhacay sidan
“shacbiga reer somaliland waanu salaamaynaa meel kasta oo ay joogaan, ilaahay baa mahadleh haddii aanu nabad qab ugu soo noqonay wadankayagii. Waxaanu maanta (shalay) ka soo galnay wadanka Somaliland dhinaca Itoobiya, anagoo u maqnayn marti qaadyo baarlamanka JSL uu helay.
Guddoomiye ku xigeenka Koobaad Md. C/casiis Maxamed samaale iyo Xildhibaan Aadan Tarbi Oogle waxay ka qayb galeen shir wadamada loo yaqaan Barwaaqa sooranka Ama Common wealth oo lagu marti qaaday somaliland kaas oo dhacay 31 January -6 February kana dhacay magaalada London iyo Belfaas, shirkaas oo lagaga hadlayay guud ahaan nabada, wixii imika ka dambeeyana wadamadaas barwaaqa sooranka ay somaliland xubin ka noqon doonto shirarkooda ay yeelanayaan oo dhan. Aniguna (guddoomiyaha G. wakiilada) waxaan ka qayb galay, isaga oo uu I wehelinayo Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa marti qaad rasmi ah oo aanu ka helnay wadanka Sweden, oo aanu ka helnay baarlamanka Sweden, waxana aan la kulmay intii aan joognay wadanka Sweden guddoomiyaha baarlamanka Sweden, guddiyada baarlamanka Sweden, wasaarada arrimaha dibada iyo wasiirka arrimaha Yurub ee wadanka Sweden. Waxa kale oo aanu booqasho gaaban ku tagnay wadanka Norway, waxaana aan la kulmay wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibada Norway.
Wadanka Finland oo aan booqanay waxaan la kulmay guddoomiye ku xigeenka Baarlamanka Finland iyo waaxda afrika iyo bariga dhexe ee wasaarada arrimaha dibada iyo ninka u qaybsan afrika wasaarada arrimaha dibada finland. Guud ahaan kulamadaa aanu ka qayb galnay ee Ingiriiska iyo woqooyiga Yuruba, run ahaan waxaanu kala kulanay soo dhawayn balaadhan, kolaybana waxay arrintaasi badhitaar fiican u noqon doontaa arrinta ictiraafka Somaliland iyo xidhiidhka Baarlamanka Somaliland iyo baarlamaanada wadamadaas aanu la soo kulanay.”





No comments:

Post a Comment