

Puntland oo falalka dilalka ee ka dhacaya Gudaheeda ku eedaysay Ururka Al-shabaab.
Thursday, 18 February 2010
Boosaaso(Togdhnews)-Madaxweyne Kuxigeenka maamul goboleedka Puntland, Jenraal C/samad Cali Shire oo maanta shir jaraa,id oo uu ku qabtay Magaalada Garoowe ka hadlay
falalka amaan darrada ah ee ka jira degaanadda Puntland iyo dilalka qorsheysan ee ka dhacaayay magaalooyinka waa weyn ee Puntland,waxaanu ku eedeeyay in falalkan ay ka dambeeyaan Ururuka Al-shabaab.
"Waxaan ku tuhmayna falalkaas dhamaantood ku eedeynayna kooxaha Argagaxiisada oo ay ugu horeyso Al-Shabaab, waxaana Umadda Reer Puntland leeyahay isku duubni muujiya kana digtooni muujiya.”ayuu yidhi.
hadalkan Cabdi samad cali Shire ayaa ku soo beegmay ka dib markii xalay sadex qof lagu dilay magaalada Boosaaso,haseyeeshee maamulka Puntland ayaa ku guuldaraystay inuu wax ka qabyo ammmaan darada ku soo kordhaysa gobolada puntland.
TogdheerNews.
No comments:
Post a Comment