
Kulan Lagu Gorfaynayay Qabanqaabada Xuska Sannag-guurada 28-aad Ee Ka Soo Wareegtay Dhagax-tuurkii Dhalinyaradii UFFO Ee 20-kii February 1982-kii Oo Lagu Qabtay Hargaysa
Hargeysa (SNN) - Kulan loogu gogol-xaadhayo qabanqaabada xuska sannad-guurada 28-naad ee ka soo wareegtay maalintii dhagex-tuurka ay kala hortageen ciidankii taliskii Afweyne dhalinyartii UFFO sannadkii 1982-kii, ayaa maanta lagu qabtay hotel Imprial ee magaalada Hargeysa.
Kulankan oo ay qabatay dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Gudoomiyaha iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah Dallada SONYO,
ardayda waxbarata jaamacadaha kala duwan ee Hargeysa, ururada maxaliga ah ee dallada hoos yimaada iyo Gudida qabanqaabada munaasibada lagu xusayo xuska 20-ka February oo la asteeyey in ay noqoto maalinta dhalinyarta Somaliland.
Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Gudoomiyaha Dallada Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Yaxye Maxamed Ubaxle, oo sheegay in kulankan loogu talogalay u diyaargarowga iyo isku duba-ridka qabashada xuska maalinta 20-ka February “ Maanta waxaynu iskugu nimi in aynu ka arinsano qabanqaabada xuska maalinta dhalinyarada Somaliland ee 20-ka February ee ku astaysan maalintii dhalinyartii UFFO ay kacdoonka kala hortageen taliskii macangaga ahaa ee Siyaad
Barre ee sannadkii 1982-kii.” Sidaas waxaa yidhi Yaxye Maxamed Ubaxle
Waxaanu intaas raaciyey oo uu yidhi “Xukumadu-na way naga la qaybgalaysaa xuska, dallad ahaan waxaanu xil qaadaynaa in aanu xuskaas u qabano sida ugu fiican. Sannadkana waa sannad loo baahan yahay in aynu muujino karti iyo isku duubnaan si aynu xisbiyada iyo musharraxiintooda-ba uga helno waxaynu u baahan. Sannadkan waxaynu rajeynaynaa in munaasibadu ka ballaadhato kuwii hore oo meelo badan laga xuso sida Gobollada Saaxil iyo Tog-dheer.”
Gudoomiyuhu waxaa uu kala dardaarmay dhalinyartii ka soo qaybgashay kulankaas, “ Sida hotelada quruxda badan u imanaysaan waxaa loo baahan yahay in aad u timaadaan goobta xuska [Fagaaraha beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa] una adkaysataan kuleylka cadceeda” Ayuu Gudoomiye Yaxye Maxamed Ubaxlle.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md Cali Axmed Cali oo isagu-na kulankaas hadal ka soo jeediyey, ayaa sheegay in xuska 20-ka February ay qiimo weyn ugu fadhido sooyaalka taariikheed ee qarannimada Jamhuuriyada Somaliland, isaga oo tilmaamay in maalintani astaan u tahay halgankii dhalinyarta Somaliland ay u soo galeen dib u xoreynta dalkooda hooyo, isla markaana ay muddan tahay in loo aqoonsado maalinta dhalinyarta Somaliland.
Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa oo uu yidhi “Horta intiini mar haddii aad tihiin dhalinyaro waxaa loo baahan yahay in aad isku duubnaataan oo is-barataan. Maalinta 20-ka February ee aynu u fadhino qabanqaabadeeda waxay ku bilaabantay dhagex-tuur ay kala hortageen taliskii Siyaad Barre dhalinyartii UFFO, waxaanay u sii gudubtay heer kale oo ah in loo aqoonsaday maalinta dhalinyarta Somaliland.”
Mar uu Agaasimuhu si toos ah u la hadlayey qabanqaabiyeyaasha xuska waxaa uu yidhi “Maadaama oo aad tihiin gudidii qabanqaabada xuska waxaa la idinka baahan yahay in aad nabadgelyada ilaalisaan, waxaa kale la idinka baahan yahay in barnaamijka munaasibada ee aad gacanta ku haysaan in aan la idinka leexin oo danno siyaasadeed la idinka faa’ideysan, in aad isla qeexdaan habka daadahaynta barnaamijka.”
Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Isu-duwaha barnaamijyada dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO Axmed Cabdi Wacays, oo sharaxaad dheer ka bixiyey geedi u socodka qabanqaabada xuska, “Horta maalinta 20-ka February waa maalin ay leeyihiin dhalinyarta Somaliland. Waxaa jira 25 qof oo gudi ah oo ka kala socda ururada iyo ardayda jaamacadaha oo ka qayb qaadanayaa geedi u socodka qabanqaabada barnaamijka.” Ayuu yidhi Axmed Cabdi Wacays
Waxaa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi “ Waxaa la qabanayaa in degmo kastaa sideeda isku soo diyaariso annaguna waxaanu u soo basaskii soo qaadi lahaa. Waxaa la iskugu iman doonaa Wasaarada Arimaha Gudaha horteeda saacadu marka ay tahay 6:30 subaxnimo, waxaa halkaas lagu samayn doonaa in la isku nidaamiyo oo koox koox la isku taago anaga oo koox kasta boodhsiin doona.”
Axmed Cabdi Wacays waxaa uu xusay in maalinta xuska habeenimadkeeda la qaban doono xaflad ballaadhan oo ka dhici doono hotel maansoor, halkaas oo lagu soo bandhigi doono dood ballaadhan oo lagu faaqidayo doorka ka qaybqaadashada dhalinyarada ee talada dalka iyo waxaa laga yeelayo shuruucda xanibaada ku ah in dhalinyartu ka qaybgasho Goleyaasha qaranka Somaliland.
Salal News Desk-
Hargeysa
No comments:
Post a Comment