Tuesday 2 March 2010

Suldaan cismaan oo raxan wasiiro ah u cadeeyay in aanu udub ahayn ,kana maqnayn somaliland

Suldaan Cisman Sul. Cali Madar oo ka Nixiyey Masuuliyiin ka socday Madaxtooyadda & raxan Wasiirro ah
March 2nd, 2010 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Xaflad qado sharaf ahayd oo raxan wasiiro ah iyo masuuliyiin ka socday xukuumadda Rayaale u sameeyeen Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, ayaa ku dhamaatay weji-gabax aanay masuuliyiintu jeclaysan, kadib markii afka suldaanka ay ka soo baxeen hadalo aanay jeclaysan wasiiradii martiqaadka fidiyey ee madasha fadhiyey.

Munaasibada qado-sharafeedka ah oo shalay lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa oo ay ka qaybgaleen wasiiro tiro badan oo ka socda xukuumadda, masuuliyiin ka socday madaxtooyadda, madax-dhameedyo iyo odayaal reer Somaliland, ayey wasiiradii halkaa ka hadlay sheegeen in suldaanka oo ay in badan cadho ku kala maqnaayeen uu hadda u soo noqday dhinacooda, balse waxa afkala qaad iyo naxdin ku noqday wasiiradda iyo masuuliyiinta xukuumadda erayo ka soo baxay suldaanka oo uu ku sheegay inuu dhex u yahay dawladda iyo xisbiyada qaranka.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeyna Md. Siciid Sulub Maxamed oo munaasibadaa ka hadlay, ayaa sheegay in Suldaanka oo ay muddo ku kala maqnaayeen siyaasado uu hadda u soo noqday dhinacooda, isaga oo xusay inay meesha ka baxday cadho jirtay oo u dhaxaysay suldaanka.

Wasiirka oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi; “Suldaanka oo muddo aynu kala maqnayn, cadhana jirtay, haddii uu is badh qabtay, suldaankana wixii na dhex maray waanu ka heshiinay, isagaana maanta lahaa tallaabada hore ee soo noqoshada, taasina waa tii la yaqaanay kolhadii ninka suldaanka ah hadii la xumeeyo iyo haddii la wanaajiyaba ay isugu mid noqoto oo uu garto inuu dadka madax u wada yahay, taasina suldaanka waanu uga mahad naqaynaa.”

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo isaguna ka hadlay xafladda qado-sharafka ah ee suldaanka loo sameeyey, ayaa ku dheeraaday ammaanta suldaan Cismaan, isaga oo sheegay inuu marwalba ka shaqaynayey danta guud iyo danta qaranka, wakhtigana ay si fiican suldaanka jaanta iyo sacabka la isula heley.

“Maanta hadii arinkii si wanaagsan la isula helay suldaan anaguna waxaanu nahay dadkii kula shaqaynayey, xukuumaddii gacanta ku siinaysay baanu nahay, waxtar aanu filaynayna waa jiraa, dalkani cadaw badan ayuu leeyahay, saldanada aad ka soo jeedaana qiimo weyn bay qaranka ugu fadhidaa maantana qarankani waxa uu marti kaaga yahay in aad wax la qabato,” ayuu yidhi; wasiirka arrimaha dibedu.

Wasiirka ganacsiga Somaliland oo isaguna ka hadlay xafladda xukuumaddu u samaysay suldaanka, ayaa tilmaamay in sida rasuulku (CSW) sheegay uu qofka cadhada ka soo noqda fadli badan leeyahay, isaga oo xusay inay in badan filayeen in suldaanku u soo noqdo, isla markaan ay hadda abaalweyn u hayaan, abaalmarinteedana ku siin doonaan soo noqoshadiisa.

Axmed Cabdi Xaabsade oo isaguna munaasibada xukuumadu dhigatay hadal kooban ka jeediyey, ayaa isaga oo aan sheegin afka uu ku hadlayon waxa uu raaligelin siiyey suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu Xaabsade yidhi; “Suldaanka waxaan leeyahay hadii lagugu gafay raali ahow, iyagana waxaan leeyahay suldaanka yaan mardambe gaf loo gaysan, dee suldaan adiguna marka lagugu gafo ilayn suldaan weyn baad tahaye marka aanu kugu xanaaqno iska raali ahow.”

Suldaan Cisaman Suldaan Cali Madar oo ugu dambayntii halkaa ka hadlay, ayaa ka gilgishay weedhihii wasiirka hawlaha guud iyo wasiiradda kale isaga daba mareen ee ay ku sheegeen in suldaanku u soo noqday dhinacooda, waxaanu sheegay in marka hore aanu Somaliland ka maqnayn, isla markaana uu wakhtigan si fiican u garanayo halka uu yahay oo ah inuu dhex u yahay dadka iyo dalka haday dawladda tahay iyo hadii ay xisbiyada tahayba, isaga oo ku baaqay in siyaasiyiintu ka waantoobaan inay sallaadiinta ku shaambadeeyaan mid ka mid ah dhicayada siyaasadda isku haya.

“Horta marka hore maan maqnayn, Somaliland-na kamaan maqnayn, maantana waan garanayaa halka aan ahay oo ah dadka, dalka haday dawlad tahay iyo haday xisbiyo tahayba waxaan u ahay dhex, waxaan ahay saldanad guud oo dhex u fadhida mid walba runtii waxa igaga gudboon nin garanaya ayaan ahay, markaa hadaano salaadiinta nahay dhex baanu dadka u nahay, laakiin waxaad moodaa in kolba dhinaca la nagu shaambadaynayo, taasna waxaan doonayaa inay imika aad nooga yaraatoo qolooyinkiina siyaasiyiintu aad qaybahaa ku qaybtaan oo anagu dhinicii dhaqanka wax u wadnaa, markaa ta aan maanta halkan u imi waa inaan dalka iyo dadkaba dhex u ahay, xisbiyadana sidaasaan dhex ugu ahay.

Waxaynu hareeraha ka joogaynaa oo ka shaqaynaynaa wixii dalka iyo dadkaba dan u ah ee wanaagsan, waxaan ku talinayaa oo aan dhinac walba leeyahay dawladda xageeda iyo dhinacyada kaleba ee xisbiyada oo aan ugu baaqayaa si wanaagsan oo nabadgelyo ah halooga shaqeeyo sidii doorashadu si wanaagsan oo nabadgelyo ah inoogu dhici lahayd oo nin waliba qaybtiisa uga qaadan lahaa,” ayuu yidhi; Suldaan Cismaan, iyada oo la sheegay in hadalka suldaanku falaadh ku noqday raxantii wasiirada iyo masuuliyiinta kale ee xukuumadda ka socday ahaa ee sida koronkorta buux-dhaafiyey xafladdii qada sharafta ahayd ee Suldaanka loo sameeyey.

Jamhuuriya

No comments:

Post a Comment