Thursday 11 March 2010

wefdi uu hogaaminaayo feysal cali waraabe oo si diiran loogu soo dhaweeyey Burco

wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha xisbiga ucid mudane faysal cali waraabe ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco. waftigaas oo u ambabixi doona gobolada bariga soomaalilaand waxaa laga yaabaa inuu waftigaasi joogi doono burco labada maalmood ee soo socda. waxa baryahanba jiray olale ay wadaan xisbiyada mucaaridku ee kulmiye iyo ucid iyagoo doonaaya inay hantaan taageerada shacabwaynaha gobolka togdheer oo aad u hoos ugu dhacayso taageerada xisbiga talada haya ee udub ka dib markii muddo sideed sanadood ah oo ay talada hayeen wax horumar ah oo la taaban karo aanay sameen .

No comments:

Post a Comment