Tuesday 27 April 2010

kulmiye oo gaadhi seeraf ah ugu deeqay jaamacada burco




Xisbiga Mucaaridka Ah Ee KULMIYE Oo Hal Baabuur Oo Uu Ku Deeqay Guddoonsiiyey Jaamacadda Burco.


Hargeysa(Ramaas) Apr. 27, 2010 - Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa Gaadhi noociisu yahay Toyota Surff ku wareejiyey Jaamacadda Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, si gaadhigaasi u fududeeyo baahiyaha gaadiid ee ay jaamacaddu tabayso.




Munaasibad Baabuurkaa lagula kala wareegay oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE ku leeyahay Caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay xubno ka mid ah Hoggaanka sare ee KULMIYE, Xildhibaanada Golaha Wakiillada qaarkood, Garabada haweenka, dhalinyarada, taageerayaal tira badan, Maamulka Jaamacada Burco iyo Guddiga horumarinta Togdheer.


Xafladda Gaadhigaas lagula kala wareegeyey, waxa ugu horreyn hadal kooban ka jeediyay Xildhibaan Maxamed Yuusuf Axmed (Waabeeye), ayaa sheegay in Xisbiga KULMIYE Gobolada dalku u siman yihiin, isla markaana Baabuurkan maanta la wareejinayaa ka dambeeyey codsi qalin-jabintii ugu dambaysay ee Jaamacadda Burco ay ka soo jeediyeen Maamulka Jaamacaddaasi, kaasi oo ay ku dalbadeen in dhinaca Gaadiidka laga caawiyo, markaas oo uu xildhibaanku sheegay Wefti KULMIYE ka socday oo qalin-jabinta ka hadlay soo ballan-qaadeen inay hal gaadhi ugu deeqi doonaan Jaamacadda.

Xildhibaan Waabeeye oo ka tirsan Mudanayaasha Wakiillada Xisbiga KULMIYE ugu jira ee laga soo doortay Gobolka Togdheer waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa Ardaydii Jaamacadda Burco, hase ahaatee, isaga oo aan dhammaysan uu ka mashquulay. Sidaa daraadeedna ay farxad weyn u tahay Baabuurka KULMIYE maanta ku wareejiyey inuu goob-joog ka ahaado.




Md. Waabeeye mar uu ka hadlayay hawlaha doorashooyinka waxa uu yidhi:


"Komishanka doorashooyinka Qaranku si fiican bay u shaqaynayaan ee waa in lagu garab-galo. Waxa wax lala yaabo ah in UDUB leedahay wakhtiga doorashada ee la cayimay maaha suuragal ee waa cidhiidhi. Waar siddeed

sannadood bay haysteen dalka oo ay doorasho qaban kari la’yihiin oo ay leeyihiin waa nagu xidhiidhi, ninka siddeed sannadood cidhiidhi ku tahay tolow waa siciisuna waa imisa?....."

Maxamed Aadan Daahir oo ka mid ahaa xubnaha ka socday Jaamacadda Burco oo halkaa ka hadlay, ayaa Xisbiga KULMIYE uga mahadceliyey sida uu ugaga dhabeeyey ballan-qaad uu hore ugu sameeyey Jaamacadda inuu Gaadhi ugu deeqayo. Waxaanu sheegay inuu baahi badan ka dabooli doono Jaamacadda, gaar ahaan Ardayda ka qalin-jabisay kulliyadda Xannaanada Xoolaha ee Jaamacaddaas. "UDUB waxaannu ku nidhi Gaadhi bay jaamacaddu u baahan tahay ee na siiya, waayahay bay yidhaahdeen, welina waxba kama hayno." Ayuu yidhi Maxamed Aadan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale iyo Faarax Yuusuf Nuur (Xadhigle) oo isna xubnaha Jaamacadda Burco ka socday ka mid ahaa, ayaa mahadnaq ay Xisbiga KULMIYE u jeediyeen ka sokow, waxay sheegeen inay Gaadhigaas dhinaca kaga qori doonaan (Waxa ku deeqay Xisbiga KULMIYE), isla markaana waxay xuseen in Baabuurka ay maanta guddoomayaan yahay mid Jaamacaddu baahi wayn u qabtay, isla markaana wax badan ka dabooli doona maanta laga bilaabo. Waxaanay ka warameen muhiimadda goobaha waxbarashadu bulshada u leedahay iyo sida loogu baahan-yahay inaan la iloobin ee qof waliba baahiyaha ka jira intii karaankiisa ah daboolo, si loo helo dad aqoon leh mustaqbalka.

Geba-gabadii Xafladdaas Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadal kooban halkaa ka jeediyey, waxaanu sheegay in marka loo eego mastaafa xubnaha Jaamacaddu soo mareen aanay munaasib ahayn Gaadhiga ay ugu deeqeen Jaamacadda Burco, balse waxa uu tilmaamay inaanay waxba iska hagran ee uu gaadhigaasi yahay karaanka Xisbiga. Isaga oo u mahadceliyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Burco. Waxaana halkaas Muuse Biixi Baabuurka Xisbigu ku deeqay oo noociisu yahay Toyota Surff ku guddoonsiiyey Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale.

1 comment:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete