Tuesday 27 April 2010

Madaxweyne ku-xigeeka oo ka hadlay caafimaadkiisa iyo doorashada

M/weyne-xigeenka oo ka hadlay arrimaha Doorashada iyo xaaladdiisa Caafimaad Sheegayna Inuu Tar Tamayo Doorashada
Hargeysa (iftin news)26/04/2010 Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaaladdiisa Caafimaad iyo Warar ay qoreen Warbaahinta qaarkeed oo sheegayay in ay suurtogal tahay in uu ka hadho tartanka Doorashada.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlayay xaaladdiisa Caafimaad, ayaa sheegay in xaaladdiisu hadda aad u wanaagsan tahay, isla markaana uu bogsaday. “Horta caafimaadkaygu aad buu u fiican yahay, waxaanan u mahad-naqayaa Madaxweynaha ilaa tijaarta Somaliland oo duco iyo taakulaba isula kay garab taagay, waxaanan leeyahay Caafimaadkaygu waa taam. Arrinta aan u tegay 10 cisho ayay qaadatay, balse markii dambe ayay caabuq keentay oo iyana waan ka bogsaday.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenka oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Mar Md. Axmed la waydiiyay waxa ka jira in uu ka hadhayo Doorashada, ayaa wuxuu yidhi, “Waa arrin suuqa taala, balse waan tartamayaa, waxaanan doonayaa Doorasho sax ah oo xaq iyo xalaal ah oo si xaqsoor ah u dhacay, arrintaasina waxay u taalaa Komishanka. Ololahana si fiican baan uga qayb-galayaa, ,wax iga horistaagayaa ma jiraan. Dhakhaatiirtuna waxay yidhaahdeen waad shaqayn kartaa.”

Sidoo kale, mar la waydiiyay Miisaaniyadda sanadkan oo maanta la horgeeyay Golaha Wakiilada iyo lacagta ay Xukuumad ahaan ugu talo-galeen Doorashada, ayaa wuxuu yidhi, “In Golaha Wakiiladu ay si degdeg ah miisaaniyadda u sii daayaan ayaanu filaynaa, sababtoo ah Lacagtii Doorashada ayaa ku jirta. Waxaanan filayaa in arrintaasi ay sidaa u tixgeliyaan. Arrinta Lacagta, Komishanka, Baanka iyo Wasaaradda Maaliyaddu way ka wada hadleen, oo wax bay isla meel dhigeen.”

Mar la waydiiyay sababta ilaa hadda aanay UDUB ahaan u soo bandhigin Barnaamij siyaasadeedkoodii, ayaa wuxuu sheegay in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo bandhigayaan.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in ay ku kalsoon yihiin in ay ku guulaystaan doorashada, ayaa wuxuu yidhi, “Qaddarka Alle ayay ku xidhan tahay, waxaanse qabaa in si xaq ah ay u dhacdo Doorashadaas, haddii nalaga helo waanu hannaynaynaa, haddaanu helnana ha naloo hanneeyo. Haddii si daacad ah nalooga helo waanu hannaynaynaa, waxaanan rejaynayaa in aanu ku kalsoonayno waxay Komishanku soo saaraan.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

No comments:

Post a Comment