Tuesday 27 April 2010

urur samofal ah oo loogu magac daray cali maarshaal ayaa lagaga dhawaaqay london


London: Xaflad Dhidibada Loogu Taagay Urur Samafal oo Loogu Magac-daray Marxuum Cali Maarshaal
Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ee uu ka dhacay shilkii Cali Maarshaal ku geeriyooday oo ururka Somaliland Forum dib-u-dhis ku samayn doono

“Markii Cali Maarshaal dhintay waxaan go’aansaday in aan siyaasadda …”

Guddoomiye-xigeenka 2-aad ee KULMIYE

London (Jam)- Xaflad ballaadhan oo dhidibada loogu taagay urur samafal ah oo loogu magac-daray Allaah ha u naxariistee marxuum Cali Xaaji Muxumed Guuleed (Maarshaal) oo dabayaaqadii sannadkii dhammaaday ku geeriyooday shil baabuur, ayaa Axaddii toddobaadkan lagu qabtay galbeedka magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Kullankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay dad fara badan oo reer Somaliland oo ka kale isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, masuuliyiinta Jaalliyada, dhalliyaro iyo haween, kuwaasi oo isaga kala yimi magaalooyinka Bristol, Cardif, Leicter iyo Cardiff ee dalka Ingiriiska. Waxaana ugu horeyntiiba ereyo kooban oo soo dhawayn iyo mahadcelin isugu jira halkaasi ka soo jeediyay Maxamed Yoonis Cawaale.

Intaa kadib waxa taariikh-nololeedkiisii marxuumka si qoto dheer uga hadlay Mr. Axmed Xasan Carwo oo sheegay in Cali Maarshaal ahaa geesi aan la gaban afkaarta uu aaminsan yahay oo aragti fog, isagoo tusaale u soo qaatay mar uu dib ugu soo laabtay waddanka sannadkii 1980-kii oo ay warraysatay idaacadda BBC-du isagoo Cabdilaahi Xaaji ku yidhi, “Haddii aan Afweyne laga qaban dalka iminka in aan Soomaali wax sheegtay dib loo arki doonin.”

Mr. Axmed waxa uu intaa ku daray in afkaartii ugu waaweynaa ee marxuumku aaminsanaa ay ka mid ahaayeen tayaynta maamulka iyo wanaajintiisa, xorriyadda saxaafadda iyo nidaam dheellitiran oo ku salaysan xisaabtan.

Salaad Rooble oo ka mid ah ardaydii ay marxuum Cali Maarshaal dugsiga Sheekh wada dhigan jireen oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Cali Maarshaal wakhtigii ardaynimadaba uu muujiyay kartidiisa hoggaamineed iyo hufnaanta shaqo ee uu caanka ku ahaa, isagoo arrintaas sharraxaad ka bixinayeyna waxa uu yidhi; “Cali Allaah ha u naxariistee waxa u madax ka ahaa ururkii ardayda waxaanan xasuustaa xilligaasi mar uu gumeysigii Faransiiska ay dad reer Jabuuti ah ka soo qaxeen oo Cali soo jeediyay in la sameeyo mudahraad lagu taageerayo gobanima-doonka Jabuuti oo riwaayad aradaydu dhigto, lacagta ka soo baxdana lagu caawiyo dadkaasi.”

Sidoo kale waxa uu xusey inuu ahaa ruux shakhsiyad fiican oo naftiisa u hurey sidii uu dadkiisa iyo dalkiisaba wax ugu qaban lahaa.”

Aadan Warsame Siciid oo ka mid ah xubnihii UFFO (Hargeisa Group), ayaa isna ka qaybgalayaasha u soo jeediyay in loo duceeyay mujaahid Cali iyo iyo intii kale oo dalkan naftooda u hureyba, waxaanu tilmaamay in Cali ahaa ruux waxa uu dhaqaaqo ka midho dhaliya oo dedaal badan, dardar badanna galiyay siyaasadda Somaliland, kuna shahiiday isagoo hawshaasi qaran ku jira.

Guddoomiye-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mr. Cabdiraxaan Cabdilqaadir Faarax oo dhaawac culus ka soo gaadhay shilkii baabuur ee Cali Maarshaal ku geeriyooday, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in lagula soo dardaarmay in aan la qiiroon oo ay tahay maalin aynu aasaasayno urur samafal ah, waxaannu yidhi; “Cali waxaannu si fiican isku baranay xilligii doorashadii madaxtimada ee Somaliland, intii ka dambaysanyna niman isku xisbi ah ayaanu ahayn, waxa uu ahaa isaga iyo Dr. Siciid Axmed Xasan, raggii sababta u ahaa in sanaaduuqdii UDUB laga joojiyay wakhtigii doorashada, wax kalena muu samayn ee qayniinka haloo hoggaamsamo ayuun bay yidhaadeen.”

“Cali Marshal waxa uu Illaahay ku manaystay dhawr tayoo oo aan bani aadamka inta badan la isku raacin sida akhlaaqda, xishoodka, ixtiraamka, aqoonta, qadarinta, aqoonta, siyaasadda. Muu ahayn ruux isla weyn oo dadka ka u sarreeya iyo ka suuqa joogaba isku si ayuu ula hadli jiray, waliba wuxuu jeclaa dadka caadiga ah, ardayda iyo haweenka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ahaa Cali nin deeqsi ah aaminsan in maalka Ilaahay dadka isugu soo dhiibo, isagoo tusaale u soo qaatay in maalin uu lacag siiyay, dabadeedna weydiiyay siduu ku ogaaday inuu lacag la’a yahay, dabadeedna u sheegay in aanu wax shaaha bixin dhawrkii casho ee dambeeyay.

Mr. Cabdiraxmaan waxa uu xusey inuu ahaa aabbo wanaagsan oo naxariis badan qaraabada iyo dadka jilicsana kaalmayn jiray, waxaannu sheegay in Cali ahaa maskaxda ka dambaysay ee isku soo dubbariday barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE, uuna ahaa nin qabyaalada neceb oo rumeysnaa in ay siyaasadu ku badinayso qabyaalad la’aan, sidaa darteedna uu ku kasbaday inuu noqdo qofka ugu taageerada badan xibiga dhexdiisa iyo waliba mid guud oo uu ka haystay shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, uuna noqon lahaa hoggaamiyaha xisbiga ee mustaqbalka.

Gudoomiye-ku-xigeenku waxa uu ka warramay siday u taabatay geerida saaxiibkii Cali Maarshaal, taasi oo gayeynsiisay inuu go’aansado inuu siyaasadda ka fadhiisto, haseyeeshee ay go’aankiisa wax ka beddeleen guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed-Siilaanyo, marxuum Cali walaaladii (Xasan iyo Sahra) oo la soo hadlay, xaaskii uu ka tagay iyo inantiisa oo ku booqday cisbitaalkii uu ku jiray, waxaannu uu u soo jeediyay ka qaybgalayaashii shirka in ay taageeraan mashruucan kheyriga ah ee Cali Maarshaal Trust.

Safiirka Jamhuuriyadda Ireland u fadhiya Somaliland Md. Cabdifataax Siciid Axmed oo kulankaas ka hadlay ayaa yidhi; “Mujaahid Cali wuxuu ahaa halyay geeridiisu argagixiso innagu wada noqotay oo dadka reer Somaliland oo dhan ayuu ahaa geesi ka baxay.

Maanta afar shir oo kale ayaa jiray oo xataa kii UDUB waxaan ka doorbiday aasaaska ururka samafalka ah, waana arrin qaran fikirka siyaasiga ah waa lagula kale duwanaan karaa, laakiinse anigu waxaan ahayn safiir u dhexeeya saddexda xisbi qaran.”

Tifaftiraha Somali Eye Mr. Khadar Dirir ayaa isna waxa uu soo bandhigay filim dukumentari ah oo uu ka duubay Cali Marshal xilligii u noolaa, kuwaas oo dadka si aad ah u taabtay oo qiiro galiyay kana tarjumayay fikradihii marxuumku aaminsanaa.

Xisbiga siyaasiga ee UCID oo uu hadlay Nuur X Xuseen Cumar Xaashi oo ka tirsan guddida fulinta, ayaa sheegay in Cali Maarshaal ummadda reer Somaliland oo dhan tabayso xisbi ahaana taageersan yihiin ururkan samafalka ah ee loogu magacdaray.

Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa uu si cilmiyaysan uga waramay ahmiyada ay leeyihiin ururada samofalka ahi iyo faa’iidooyinka laga heli karo. Waxa uu xusey in ummadaha adduunku dadka Cali oo kale ah ku xasuustaan siyaabo kale duwan sida taalooyin iyo goobo loogu magic-daro ama ururro samafal. Waxa uu intaasi ku ladhay in Cali dalka iyo dadka reer Somaliland u ahaa hormood oo qaranku aanu wali ka soo kaban geeridiisii, isaga oo xoghayuhu caddeeyay in xisbi ahaan afkaartii Cali Maarshaal qayb weyn ka yihiin barnaamijka siyaasadeed ee KULMIYE daah furay toddobaadkan

Intaa kadib waxa warbixint dheer oo hadlaysa hadafka iyo sida uu ururkan samofalka ahi u shaqayn doono ka soo jeedisay xaaskii Cali Maarshaal Marwo Yasmin Sekaali, waxayna sheegtay in ururkan fikradda ka danbaysay ahayd maalin iyada Cali oo waddada socda ciyaal shiideen gaadhigoodii, kadib markii ay sitaageen ee weydiiyeena sababta carruurtii u sheegeen inay dhagaxaanta ku wadeen ninka waalan ee gaadhigooda dhinaciisa ku dhuumanayana, sidaa awgeedna ay iyada iyo marxuumku isla garteen inay wax u qabtaan dadka maskaxda wax ka qaba ee ku nool Somaliland.

Marwo Yaasmiin waxay intaasiu ku dartay in ururkani ka tarjumayo afkaartii uu Allaah ha u naxariistee Cali Maarshaal aaminsanaa oo uu wax weyna ka tari doono wacyigalinta dadka iyo ku baraarujinta shacbiga habka ugu haboon ee looga hortagi karo xannuunka waalidu inta aanu meel halis ah qofka la gaadhin iyo waliba siday lagama maarmaan u tahay in bulshadeenu wax ka badasho habka ay ula dhaqmaan bukaanka qaba xannuunka waalida. Waxa kaloo ay ka wrarantay baahiyaha caafimaad-darrada ah ee Somaliland ku haysta dadka xannuunka dhimirka qaba, taas oo ay sheegtay in Cali Maarshaal Trust wax weyn ka tari doonto haddii Allaah idmo.

Weriye Khadar Xasan Cali Gaas, ayaa isna si kooban uga warramay ujeeddooyinka iyo waxyaabaha uu qaban doono ururka samafalka ee Cali Maarshaal Foundation oo ah urur kale oo ay si wadajir ah u aasaaseen carruurta uu ka tagay marxuumka iyo jaalliyadda reer Somaliland ee California ee dalka Maraykanka, kaasi oo siduu sheegay deeq waxbarasho u fidin doona ardayda rabta in ay dhigtaan Jaamacadaha Somaliland. Sidoo kalena qorshaha ugu jirto inuu daabaco buugaag heer jamacadeed ah oo dhinaca dhaqaalaha iyo miisaaniyadda ah.

Khadar waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Cali Marshaal uu ahaa xubin muhiima oo muddo badan ka tirsanaa ururka Somaliland Forum, isla markaana urur ahaan Somaliland Forum ay go’aansadeen in mashruuca ururka ee sannadkan loogu magac-daro marxuumka. Mashruucaas oo laga fullin doono waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa, waxaannu noqon doonaa buu yidhi, “ilaa dhawr iyo soddon calaamadood oo shub ah oo laga dhisi doono goobaha loo aqoonsaday in ay halis yihiin, kuwaas oo ay ku qornaan doonaan farriimo digniin ah oo dadka ku baraarujinaya meelaha halista badan ee jidkan.”

Shirkan oo uu guddoominayay Maxamed Yoonis, waxa kale oo ka hadlay dad aad u tiro badan oo ay ka mid ahaa Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Jamaal Madar, Cali Aadan, Axmed Caddare, Marwo Luul Faarax (Somaliland Forum), Axmed Daahir Cilmi (Gudoomiyaha SSUK),Maxamuud Maxamed Xoore (Camuudo), Prof. Muumin, Xasan Cali Weyd (Bristol), Cali Xiddig (Leicester) iyo xubno kale.

Kulankan oo aad inta badan ka dareemaysay dadku siday u tabeen ee uu ugu dheeraa marxuum Cali Maarshaal Allaah ha u naxariistee, ayaa lagu soo gebagabeeyay tabarucaadkii u horreeyay ee ururka dhidibada loogu taagi lahaa; haddaba haddii aad rabto in aad ka qaybqaadato waxaad kale xidhiidhi kartaa. wwwhttp://www.alimarshalltrust.org.




Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend

No comments:

Post a Comment