Tuesday 27 April 2010

Udub oo diidan in ay doorashadu qabsoonto juun. iyo taageerayaal ka soo horjeestay

Xubno ka mida taageerayaasha UK ee xisbiga UDUB Oo Ku Gacansaydhay Qorshe La Damacsanaa In Lagu Wanjalo Doorasgada Somaliland

Shabakada Somaliland.ORG ayaa heshay xogo la xidhiidha shirar is daba joog ah, iyo abaabul ay beryahan ka wadeen wadamada yurub qaar ka mid ah masuuliyiinta laamaha UDUB ee dibada. Arintan ayaa lala xidhiidhsiinayaa fariin dhawaan uga timid Dahir Riyaale iyo qaar ka mid aha wasiiradiisa, oo laga farayo in ay ka hawl galaan sidii carqadalad iyo jaah wareer loogu furi lahaa liiska diiwaangalinta ee dhawaan la filayo in ay Komishanka soo daayaan.

Xubno ka mida taageerayaasha wadanka UK ee xisbiga UDUB, ayaa aad uga biyo diidey markii ay fariin ka heleen wasiiro ka mida Xukuumada dawlada kuwaas oo ku cadaadinaya taageerayaasha inay banaanbax iyo maqaalo badan la qoro sidii an doorashadu u dhicin.

Sidoo kale shir uu lahaa taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Norwey oo ka dhacay xarunta Oslo, ayaa gudidu ku guubaabinayeen in aan la aqbalin doorashada dhacaysa bisha juun taas oo aan wax faaiido ahi ugu jirin waa sida ay hadalka u dhigeene xisbigeena sababtoo ah bay yidhaahdeen mar uu gudoomiyahoodu sii faahfahinayey in loo baahan yahay in horta liiskii serveka la helo, iyo isagoo sheegay in xisbigii aad u kala daadsan yahay isagoo ku guubaabiyey in lacago dumarka iyo dhalinyarada laga soo ururiyo

Dhawaan ayaa qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada gobolka Sool ee taageera Somaliland ayaa dareen welwel leh ka bixiyeen wax ay ku tilmaameen “taakulayn xagga dhaqaalaha ah” oo kooxaha gobolka Sool ee wadada abaabulka colaadeed ay ka heleen xagga maamulak Riyaale, arintaasina ay sheegeen inay dabada ka wadaan xubno ka soo jeedo gobolka oo ku dhaw maamulka Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda.

Waxayna hogaamiye dhaqameedyadani sheegeen in haddii colaaddu korodho loo isticmaali karo sababo doorashooyinka madaxtooyada ee Somaliland ee foodda inagu haysa mar kale dib loo riixo.

Warar kale ayaa iyaguna tibaaxaya in markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ay dhawaan bixiyeen ifafaalayaal muujinaya in wakhtigii ay dhici lahayd doorashada madaxtooyadu ay aad u soo dhawday, uu Madaxwayne Daahir Rayaale iyo xisbigiisa talada dalka hayaa bilaabeen hawlgallo dib u ridi kara doorashadu inay qabsoonto. Codsiga loo soo diray taageerayaasha UDUB ee dibaduna qayb ka yahay arimahaas.

Xisbiga UDUB ayaa ilaa iminka soo bandhigin baraamijkiisa Siyaasadeed, ee uu dalka ku hogaaminayo, isla markaana waxaa Madaxweyne Riyaale ilaa iminka aanu bixin saamigii dhaqaalihii Olalaha doorashada, ee ahayd in uu Komishanka Doorashooyinka loo dhiibo.

Doorashada Somaliland ayaa mudo sided goo ku dhow dib loogu dhigay, iyada oo markasta oo doorashadu soo dhawaatana maamulka Riyaale sameeyaan Olale lagu galinayo dalka jaahwareer iyo buuq, taas oo markaa u dhusha mudo korodhi danbe oo madaxweynaha loo sameeyo.

Somaliland.Org News Desk

London UK

No comments:

Post a Comment