Tuesday 27 April 2010

kulmiye oo gaadhi seeraf ah ugu deeqay jaamacada burco




Xisbiga Mucaaridka Ah Ee KULMIYE Oo Hal Baabuur Oo Uu Ku Deeqay Guddoonsiiyey Jaamacadda Burco.


Hargeysa(Ramaas) Apr. 27, 2010 - Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa Gaadhi noociisu yahay Toyota Surff ku wareejiyey Jaamacadda Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, si gaadhigaasi u fududeeyo baahiyaha gaadiid ee ay jaamacaddu tabayso.




Munaasibad Baabuurkaa lagula kala wareegay oo lagu qabtay hoolka shirarka ee Xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE ku leeyahay Caasimadda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qaybgalay xubno ka mid ah Hoggaanka sare ee KULMIYE, Xildhibaanada Golaha Wakiillada qaarkood, Garabada haweenka, dhalinyarada, taageerayaal tira badan, Maamulka Jaamacada Burco iyo Guddiga horumarinta Togdheer.


Xafladda Gaadhigaas lagula kala wareegeyey, waxa ugu horreyn hadal kooban ka jeediyay Xildhibaan Maxamed Yuusuf Axmed (Waabeeye), ayaa sheegay in Xisbiga KULMIYE Gobolada dalku u siman yihiin, isla markaana Baabuurkan maanta la wareejinayaa ka dambeeyey codsi qalin-jabintii ugu dambaysay ee Jaamacadda Burco ay ka soo jeediyeen Maamulka Jaamacaddaasi, kaasi oo ay ku dalbadeen in dhinaca Gaadiidka laga caawiyo, markaas oo uu xildhibaanku sheegay Wefti KULMIYE ka socday oo qalin-jabinta ka hadlay soo ballan-qaadeen inay hal gaadhi ugu deeqi doonaan Jaamacadda.

Xildhibaan Waabeeye oo ka tirsan Mudanayaasha Wakiillada Xisbiga KULMIYE ugu jira ee laga soo doortay Gobolka Togdheer waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa Ardaydii Jaamacadda Burco, hase ahaatee, isaga oo aan dhammaysan uu ka mashquulay. Sidaa daraadeedna ay farxad weyn u tahay Baabuurka KULMIYE maanta ku wareejiyey inuu goob-joog ka ahaado.




Md. Waabeeye mar uu ka hadlayay hawlaha doorashooyinka waxa uu yidhi:


"Komishanka doorashooyinka Qaranku si fiican bay u shaqaynayaan ee waa in lagu garab-galo. Waxa wax lala yaabo ah in UDUB leedahay wakhtiga doorashada ee la cayimay maaha suuragal ee waa cidhiidhi. Waar siddeed

sannadood bay haysteen dalka oo ay doorasho qaban kari la’yihiin oo ay leeyihiin waa nagu xidhiidhi, ninka siddeed sannadood cidhiidhi ku tahay tolow waa siciisuna waa imisa?....."

Maxamed Aadan Daahir oo ka mid ahaa xubnaha ka socday Jaamacadda Burco oo halkaa ka hadlay, ayaa Xisbiga KULMIYE uga mahadceliyey sida uu ugaga dhabeeyey ballan-qaad uu hore ugu sameeyey Jaamacadda inuu Gaadhi ugu deeqayo. Waxaanu sheegay inuu baahi badan ka dabooli doono Jaamacadda, gaar ahaan Ardayda ka qalin-jabisay kulliyadda Xannaanada Xoolaha ee Jaamacaddaas. "UDUB waxaannu ku nidhi Gaadhi bay jaamacaddu u baahan tahay ee na siiya, waayahay bay yidhaahdeen, welina waxba kama hayno." Ayuu yidhi Maxamed Aadan.

Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale iyo Faarax Yuusuf Nuur (Xadhigle) oo isna xubnaha Jaamacadda Burco ka socday ka mid ahaa, ayaa mahadnaq ay Xisbiga KULMIYE u jeediyeen ka sokow, waxay sheegeen inay Gaadhigaas dhinaca kaga qori doonaan (Waxa ku deeqay Xisbiga KULMIYE), isla markaana waxay xuseen in Baabuurka ay maanta guddoomayaan yahay mid Jaamacaddu baahi wayn u qabtay, isla markaana wax badan ka dabooli doona maanta laga bilaabo. Waxaanay ka warameen muhiimadda goobaha waxbarashadu bulshada u leedahay iyo sida loogu baahan-yahay inaan la iloobin ee qof waliba baahiyaha ka jira intii karaankiisa ah daboolo, si loo helo dad aqoon leh mustaqbalka.

Geba-gabadii Xafladdaas Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadal kooban halkaa ka jeediyey, waxaanu sheegay in marka loo eego mastaafa xubnaha Jaamacaddu soo mareen aanay munaasib ahayn Gaadhiga ay ugu deeqeen Jaamacadda Burco, balse waxa uu tilmaamay inaanay waxba iska hagran ee uu gaadhigaasi yahay karaanka Xisbiga. Isaga oo u mahadceliyey Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda Burco. Waxaana halkaas Muuse Biixi Baabuurka Xisbigu ku deeqay oo noociisu yahay Toyota Surff ku guddoonsiiyey Guddoomiyaha Jaamacadda Burco Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale.

Madaxweyne ku-xigeeka oo ka hadlay caafimaadkiisa iyo doorashada

M/weyne-xigeenka oo ka hadlay arrimaha Doorashada iyo xaaladdiisa Caafimaad Sheegayna Inuu Tar Tamayo Doorashada
Hargeysa (iftin news)26/04/2010 Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaaladdiisa Caafimaad iyo Warar ay qoreen Warbaahinta qaarkeed oo sheegayay in ay suurtogal tahay in uu ka hadho tartanka Doorashada.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin oo ka hadlayay xaaladdiisa Caafimaad, ayaa sheegay in xaaladdiisu hadda aad u wanaagsan tahay, isla markaana uu bogsaday. “Horta caafimaadkaygu aad buu u fiican yahay, waxaanan u mahad-naqayaa Madaxweynaha ilaa tijaarta Somaliland oo duco iyo taakulaba isula kay garab taagay, waxaanan leeyahay Caafimaadkaygu waa taam. Arrinta aan u tegay 10 cisho ayay qaadatay, balse markii dambe ayay caabuq keentay oo iyana waan ka bogsaday.” Ayuu yidhi Madaxweyne-xigeenka oo u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

Mar Md. Axmed la waydiiyay waxa ka jira in uu ka hadhayo Doorashada, ayaa wuxuu yidhi, “Waa arrin suuqa taala, balse waan tartamayaa, waxaanan doonayaa Doorasho sax ah oo xaq iyo xalaal ah oo si xaqsoor ah u dhacay, arrintaasina waxay u taalaa Komishanka. Ololahana si fiican baan uga qayb-galayaa, ,wax iga horistaagayaa ma jiraan. Dhakhaatiirtuna waxay yidhaahdeen waad shaqayn kartaa.”

Sidoo kale, mar la waydiiyay Miisaaniyadda sanadkan oo maanta la horgeeyay Golaha Wakiilada iyo lacagta ay Xukuumad ahaan ugu talo-galeen Doorashada, ayaa wuxuu yidhi, “In Golaha Wakiiladu ay si degdeg ah miisaaniyadda u sii daayaan ayaanu filaynaa, sababtoo ah Lacagtii Doorashada ayaa ku jirta. Waxaanan filayaa in arrintaasi ay sidaa u tixgeliyaan. Arrinta Lacagta, Komishanka, Baanka iyo Wasaaradda Maaliyaddu way ka wada hadleen, oo wax bay isla meel dhigeen.”

Mar la waydiiyay sababta ilaa hadda aanay UDUB ahaan u soo bandhigin Barnaamij siyaasadeedkoodii, ayaa wuxuu sheegay in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo bandhigayaan.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in ay ku kalsoon yihiin in ay ku guulaystaan doorashada, ayaa wuxuu yidhi, “Qaddarka Alle ayay ku xidhan tahay, waxaanse qabaa in si xaq ah ay u dhacdo Doorashadaas, haddii nalaga helo waanu hannaynaynaa, haddaanu helnana ha naloo hanneeyo. Haddii si daacad ah nalooga helo waanu hannaynaynaa, waxaanan rejaynayaa in aanu ku kalsoonayno waxay Komishanku soo saaraan.”

Somaliland.Org

Hargeisa News Desk

urur samofal ah oo loogu magac daray cali maarshaal ayaa lagaga dhawaaqay london


London: Xaflad Dhidibada Loogu Taagay Urur Samafal oo Loogu Magac-daray Marxuum Cali Maarshaal
Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera ee uu ka dhacay shilkii Cali Maarshaal ku geeriyooday oo ururka Somaliland Forum dib-u-dhis ku samayn doono

“Markii Cali Maarshaal dhintay waxaan go’aansaday in aan siyaasadda …”

Guddoomiye-xigeenka 2-aad ee KULMIYE

London (Jam)- Xaflad ballaadhan oo dhidibada loogu taagay urur samafal ah oo loogu magac-daray Allaah ha u naxariistee marxuum Cali Xaaji Muxumed Guuleed (Maarshaal) oo dabayaaqadii sannadkii dhammaaday ku geeriyooday shil baabuur, ayaa Axaddii toddobaadkan lagu qabtay galbeedka magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska.

Kullankan oo ahaa mid si heer sare ah loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay dad fara badan oo reer Somaliland oo ka kale isugu jira aqoonyahano, siyaasiyiin, masuuliyiinta Jaalliyada, dhalliyaro iyo haween, kuwaasi oo isaga kala yimi magaalooyinka Bristol, Cardif, Leicter iyo Cardiff ee dalka Ingiriiska. Waxaana ugu horeyntiiba ereyo kooban oo soo dhawayn iyo mahadcelin isugu jira halkaasi ka soo jeediyay Maxamed Yoonis Cawaale.

Intaa kadib waxa taariikh-nololeedkiisii marxuumka si qoto dheer uga hadlay Mr. Axmed Xasan Carwo oo sheegay in Cali Maarshaal ahaa geesi aan la gaban afkaarta uu aaminsan yahay oo aragti fog, isagoo tusaale u soo qaatay mar uu dib ugu soo laabtay waddanka sannadkii 1980-kii oo ay warraysatay idaacadda BBC-du isagoo Cabdilaahi Xaaji ku yidhi, “Haddii aan Afweyne laga qaban dalka iminka in aan Soomaali wax sheegtay dib loo arki doonin.”

Mr. Axmed waxa uu intaa ku daray in afkaartii ugu waaweynaa ee marxuumku aaminsanaa ay ka mid ahaayeen tayaynta maamulka iyo wanaajintiisa, xorriyadda saxaafadda iyo nidaam dheellitiran oo ku salaysan xisaabtan.

Salaad Rooble oo ka mid ah ardaydii ay marxuum Cali Maarshaal dugsiga Sheekh wada dhigan jireen oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in Cali Maarshaal wakhtigii ardaynimadaba uu muujiyay kartidiisa hoggaamineed iyo hufnaanta shaqo ee uu caanka ku ahaa, isagoo arrintaas sharraxaad ka bixinayeyna waxa uu yidhi; “Cali Allaah ha u naxariistee waxa u madax ka ahaa ururkii ardayda waxaanan xasuustaa xilligaasi mar uu gumeysigii Faransiiska ay dad reer Jabuuti ah ka soo qaxeen oo Cali soo jeediyay in la sameeyo mudahraad lagu taageerayo gobanima-doonka Jabuuti oo riwaayad aradaydu dhigto, lacagta ka soo baxdana lagu caawiyo dadkaasi.”

Sidoo kale waxa uu xusey inuu ahaa ruux shakhsiyad fiican oo naftiisa u hurey sidii uu dadkiisa iyo dalkiisaba wax ugu qaban lahaa.”

Aadan Warsame Siciid oo ka mid ah xubnihii UFFO (Hargeisa Group), ayaa isna ka qaybgalayaasha u soo jeediyay in loo duceeyay mujaahid Cali iyo iyo intii kale oo dalkan naftooda u hureyba, waxaanu tilmaamay in Cali ahaa ruux waxa uu dhaqaaqo ka midho dhaliya oo dedaal badan, dardar badanna galiyay siyaasadda Somaliland, kuna shahiiday isagoo hawshaasi qaran ku jira.

Guddoomiye-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Mr. Cabdiraxaan Cabdilqaadir Faarax oo dhaawac culus ka soo gaadhay shilkii baabuur ee Cali Maarshaal ku geeriyooday, ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in lagula soo dardaarmay in aan la qiiroon oo ay tahay maalin aynu aasaasayno urur samafal ah, waxaannu yidhi; “Cali waxaannu si fiican isku baranay xilligii doorashadii madaxtimada ee Somaliland, intii ka dambaysanyna niman isku xisbi ah ayaanu ahayn, waxa uu ahaa isaga iyo Dr. Siciid Axmed Xasan, raggii sababta u ahaa in sanaaduuqdii UDUB laga joojiyay wakhtigii doorashada, wax kalena muu samayn ee qayniinka haloo hoggaamsamo ayuun bay yidhaadeen.”

“Cali Marshal waxa uu Illaahay ku manaystay dhawr tayoo oo aan bani aadamka inta badan la isku raacin sida akhlaaqda, xishoodka, ixtiraamka, aqoonta, qadarinta, aqoonta, siyaasadda. Muu ahayn ruux isla weyn oo dadka ka u sarreeya iyo ka suuqa joogaba isku si ayuu ula hadli jiray, waliba wuxuu jeclaa dadka caadiga ah, ardayda iyo haweenka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu ahaa Cali nin deeqsi ah aaminsan in maalka Ilaahay dadka isugu soo dhiibo, isagoo tusaale u soo qaatay in maalin uu lacag siiyay, dabadeedna weydiiyay siduu ku ogaaday inuu lacag la’a yahay, dabadeedna u sheegay in aanu wax shaaha bixin dhawrkii casho ee dambeeyay.

Mr. Cabdiraxmaan waxa uu xusey inuu ahaa aabbo wanaagsan oo naxariis badan qaraabada iyo dadka jilicsana kaalmayn jiray, waxaannu sheegay in Cali ahaa maskaxda ka dambaysay ee isku soo dubbariday barnaamijka siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE, uuna ahaa nin qabyaalada neceb oo rumeysnaa in ay siyaasadu ku badinayso qabyaalad la’aan, sidaa darteedna uu ku kasbaday inuu noqdo qofka ugu taageerada badan xibiga dhexdiisa iyo waliba mid guud oo uu ka haystay shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba, uuna noqon lahaa hoggaamiyaha xisbiga ee mustaqbalka.

Gudoomiye-ku-xigeenku waxa uu ka warramay siday u taabatay geerida saaxiibkii Cali Maarshaal, taasi oo gayeynsiisay inuu go’aansado inuu siyaasadda ka fadhiisto, haseyeeshee ay go’aankiisa wax ka beddeleen guddoomiyaha KULMIYE Md. Axmed-Siilaanyo, marxuum Cali walaaladii (Xasan iyo Sahra) oo la soo hadlay, xaaskii uu ka tagay iyo inantiisa oo ku booqday cisbitaalkii uu ku jiray, waxaannu uu u soo jeediyay ka qaybgalayaashii shirka in ay taageeraan mashruucan kheyriga ah ee Cali Maarshaal Trust.

Safiirka Jamhuuriyadda Ireland u fadhiya Somaliland Md. Cabdifataax Siciid Axmed oo kulankaas ka hadlay ayaa yidhi; “Mujaahid Cali wuxuu ahaa halyay geeridiisu argagixiso innagu wada noqotay oo dadka reer Somaliland oo dhan ayuu ahaa geesi ka baxay.

Maanta afar shir oo kale ayaa jiray oo xataa kii UDUB waxaan ka doorbiday aasaaska ururka samafalka ah, waana arrin qaran fikirka siyaasiga ah waa lagula kale duwanaan karaa, laakiinse anigu waxaan ahayn safiir u dhexeeya saddexda xisbi qaran.”

Tifaftiraha Somali Eye Mr. Khadar Dirir ayaa isna waxa uu soo bandhigay filim dukumentari ah oo uu ka duubay Cali Marshal xilligii u noolaa, kuwaas oo dadka si aad ah u taabtay oo qiiro galiyay kana tarjumayay fikradihii marxuumku aaminsanaa.

Xisbiga siyaasiga ee UCID oo uu hadlay Nuur X Xuseen Cumar Xaashi oo ka tirsan guddida fulinta, ayaa sheegay in Cali Maarshaal ummadda reer Somaliland oo dhan tabayso xisbi ahaana taageersan yihiin ururkan samafalka ah ee loogu magacdaray.

Dr.Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa uu si cilmiyaysan uga waramay ahmiyada ay leeyihiin ururada samofalka ahi iyo faa’iidooyinka laga heli karo. Waxa uu xusey in ummadaha adduunku dadka Cali oo kale ah ku xasuustaan siyaabo kale duwan sida taalooyin iyo goobo loogu magic-daro ama ururro samafal. Waxa uu intaasi ku ladhay in Cali dalka iyo dadka reer Somaliland u ahaa hormood oo qaranku aanu wali ka soo kaban geeridiisii, isaga oo xoghayuhu caddeeyay in xisbi ahaan afkaartii Cali Maarshaal qayb weyn ka yihiin barnaamijka siyaasadeed ee KULMIYE daah furay toddobaadkan

Intaa kadib waxa warbixint dheer oo hadlaysa hadafka iyo sida uu ururkan samofalka ahi u shaqayn doono ka soo jeedisay xaaskii Cali Maarshaal Marwo Yasmin Sekaali, waxayna sheegtay in ururkan fikradda ka danbaysay ahayd maalin iyada Cali oo waddada socda ciyaal shiideen gaadhigoodii, kadib markii ay sitaageen ee weydiiyeena sababta carruurtii u sheegeen inay dhagaxaanta ku wadeen ninka waalan ee gaadhigooda dhinaciisa ku dhuumanayana, sidaa awgeedna ay iyada iyo marxuumku isla garteen inay wax u qabtaan dadka maskaxda wax ka qaba ee ku nool Somaliland.

Marwo Yaasmiin waxay intaasiu ku dartay in ururkani ka tarjumayo afkaartii uu Allaah ha u naxariistee Cali Maarshaal aaminsanaa oo uu wax weyna ka tari doono wacyigalinta dadka iyo ku baraarujinta shacbiga habka ugu haboon ee looga hortagi karo xannuunka waalidu inta aanu meel halis ah qofka la gaadhin iyo waliba siday lagama maarmaan u tahay in bulshadeenu wax ka badasho habka ay ula dhaqmaan bukaanka qaba xannuunka waalida. Waxa kaloo ay ka wrarantay baahiyaha caafimaad-darrada ah ee Somaliland ku haysta dadka xannuunka dhimirka qaba, taas oo ay sheegtay in Cali Maarshaal Trust wax weyn ka tari doonto haddii Allaah idmo.

Weriye Khadar Xasan Cali Gaas, ayaa isna si kooban uga warramay ujeeddooyinka iyo waxyaabaha uu qaban doono ururka samafalka ee Cali Maarshaal Foundation oo ah urur kale oo ay si wadajir ah u aasaaseen carruurta uu ka tagay marxuumka iyo jaalliyadda reer Somaliland ee California ee dalka Maraykanka, kaasi oo siduu sheegay deeq waxbarasho u fidin doona ardayda rabta in ay dhigtaan Jaamacadaha Somaliland. Sidoo kalena qorshaha ugu jirto inuu daabaco buugaag heer jamacadeed ah oo dhinaca dhaqaalaha iyo miisaaniyadda ah.

Khadar waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Cali Marshaal uu ahaa xubin muhiima oo muddo badan ka tirsanaa ururka Somaliland Forum, isla markaana urur ahaan Somaliland Forum ay go’aansadeen in mashruuca ururka ee sannadkan loogu magac-daro marxuumka. Mashruucaas oo laga fullin doono waddada isku xidha Berbera iyo Hargeysa, waxaannu noqon doonaa buu yidhi, “ilaa dhawr iyo soddon calaamadood oo shub ah oo laga dhisi doono goobaha loo aqoonsaday in ay halis yihiin, kuwaas oo ay ku qornaan doonaan farriimo digniin ah oo dadka ku baraarujinaya meelaha halista badan ee jidkan.”

Shirkan oo uu guddoominayay Maxamed Yoonis, waxa kale oo ka hadlay dad aad u tiro badan oo ay ka mid ahaa Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Jamaal Madar, Cali Aadan, Axmed Caddare, Marwo Luul Faarax (Somaliland Forum), Axmed Daahir Cilmi (Gudoomiyaha SSUK),Maxamuud Maxamed Xoore (Camuudo), Prof. Muumin, Xasan Cali Weyd (Bristol), Cali Xiddig (Leicester) iyo xubno kale.

Kulankan oo aad inta badan ka dareemaysay dadku siday u tabeen ee uu ugu dheeraa marxuum Cali Maarshaal Allaah ha u naxariistee, ayaa lagu soo gebagabeeyay tabarucaadkii u horreeyay ee ururka dhidibada loogu taagi lahaa; haddaba haddii aad rabto in aad ka qaybqaadato waxaad kale xidhiidhi kartaa. wwwhttp://www.alimarshalltrust.org.




Jamhuuriya Online
Printable version Email this to a friend

Udub oo diidan in ay doorashadu qabsoonto juun. iyo taageerayaal ka soo horjeestay

Xubno ka mida taageerayaasha UK ee xisbiga UDUB Oo Ku Gacansaydhay Qorshe La Damacsanaa In Lagu Wanjalo Doorasgada Somaliland

Shabakada Somaliland.ORG ayaa heshay xogo la xidhiidha shirar is daba joog ah, iyo abaabul ay beryahan ka wadeen wadamada yurub qaar ka mid ah masuuliyiinta laamaha UDUB ee dibada. Arintan ayaa lala xidhiidhsiinayaa fariin dhawaan uga timid Dahir Riyaale iyo qaar ka mid aha wasiiradiisa, oo laga farayo in ay ka hawl galaan sidii carqadalad iyo jaah wareer loogu furi lahaa liiska diiwaangalinta ee dhawaan la filayo in ay Komishanka soo daayaan.

Xubno ka mida taageerayaasha wadanka UK ee xisbiga UDUB, ayaa aad uga biyo diidey markii ay fariin ka heleen wasiiro ka mida Xukuumada dawlada kuwaas oo ku cadaadinaya taageerayaasha inay banaanbax iyo maqaalo badan la qoro sidii an doorashadu u dhicin.

Sidoo kale shir uu lahaa taageerayaasha Xisbiga UDUB ee Norwey oo ka dhacay xarunta Oslo, ayaa gudidu ku guubaabinayeen in aan la aqbalin doorashada dhacaysa bisha juun taas oo aan wax faaiido ahi ugu jirin waa sida ay hadalka u dhigeene xisbigeena sababtoo ah bay yidhaahdeen mar uu gudoomiyahoodu sii faahfahinayey in loo baahan yahay in horta liiskii serveka la helo, iyo isagoo sheegay in xisbigii aad u kala daadsan yahay isagoo ku guubaabiyey in lacago dumarka iyo dhalinyarada laga soo ururiyo

Dhawaan ayaa qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada gobolka Sool ee taageera Somaliland ayaa dareen welwel leh ka bixiyeen wax ay ku tilmaameen “taakulayn xagga dhaqaalaha ah” oo kooxaha gobolka Sool ee wadada abaabulka colaadeed ay ka heleen xagga maamulak Riyaale, arintaasina ay sheegeen inay dabada ka wadaan xubno ka soo jeedo gobolka oo ku dhaw maamulka Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda.

Waxayna hogaamiye dhaqameedyadani sheegeen in haddii colaaddu korodho loo isticmaali karo sababo doorashooyinka madaxtooyada ee Somaliland ee foodda inagu haysa mar kale dib loo riixo.

Warar kale ayaa iyaguna tibaaxaya in markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ay dhawaan bixiyeen ifafaalayaal muujinaya in wakhtigii ay dhici lahayd doorashada madaxtooyadu ay aad u soo dhawday, uu Madaxwayne Daahir Rayaale iyo xisbigiisa talada dalka hayaa bilaabeen hawlgallo dib u ridi kara doorashadu inay qabsoonto. Codsiga loo soo diray taageerayaasha UDUB ee dibaduna qayb ka yahay arimahaas.

Xisbiga UDUB ayaa ilaa iminka soo bandhigin baraamijkiisa Siyaasadeed, ee uu dalka ku hogaaminayo, isla markaana waxaa Madaxweyne Riyaale ilaa iminka aanu bixin saamigii dhaqaalihii Olalaha doorashada, ee ahayd in uu Komishanka Doorashooyinka loo dhiibo.

Doorashada Somaliland ayaa mudo sided goo ku dhow dib loogu dhigay, iyada oo markasta oo doorashadu soo dhawaatana maamulka Riyaale sameeyaan Olale lagu galinayo dalka jaahwareer iyo buuq, taas oo markaa u dhusha mudo korodhi danbe oo madaxweynaha loo sameeyo.

Somaliland.Org News Desk

London UK

fuad cunar iyo hees cusub

Sunday 11 April 2010

wefdigii u horeeyay somaliland oo booqda koonfur afrika


Waa Sawir aan kaqaadey waftiyadii ugu horeeyey oo kasocda Somaliland oo yimaada K/Africa, waftigan oo uuhogaaminayey waziirkii arimaha dibada ee Somaliland sanadkii 2000 Mudane Fagadhe, iyo waziirkii isgaadhsiinta oo hadana weli siihaya jagadaasi Mudane dhoolayare iyo waziirkii caafimaadka Mudane Dr. Abdi awdaahir oo shir jaraa’id uguqabtey Jaaliyada R.Somaliland iyo Soomaali kale xafiiska guri martisharafka Somaliland kuleedahey K/Africa oo kuyaala Pretoria. Taariikhda aan sawirkan qaadey waa 2000kii.


Xidhiidhka udhaxeeya K/Africa & Somaliland waa mid aad u adag oo u ifaaya iyaga oo K/Africa & SL ey markaste isdhaafsadaan wufuud isdabajoog ah taasi oo dhidibada u aaseysa xiriirka dibloomaasiyadeed, dhaqaaleed, bulsheed ee udhaxeeya labadawadan ee iskuwaayo aragnimada ah,. Halkaas oo weftigii uguhoreeyey ee Somaliland kasocdey ey soogaadheen K/Africa sanadkii 2000 waftigaas oo uuhogaaminayey waziirkii arimaha dibada ee waqtigaas oo ahaa Mudane Mahamuud Fagadhe & isla waziirkan isgaadhsiinta ee hada, & waziirkii Caafimaadka Mudane Dr. Abdi Awdaahir, waxaa iyana xusid mudan waftigii uu hogaaminayey madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Mohamed H. Ibraahim Egal “Eebe ha u naxariistee”, oo uyimid K/Africa in uu caafimaadkiisa hubiyo halkaas oo kugeeriyoodey, Madaxweyne Egal oo sabab u ahaa xiriirkan ifaya ee u dhaxeeya Somaliland Iyo South Africa. Dhinaca K/Africa waxaa booqdey Somaliland sanadadii inadhaafey siyaasiin, tujaar, culumada diinta, oo kasocda K/Africa ayaa booqdey Somaliland iyaga oo aad u daneynayey waa maalqabayaasha sida Tokyo Sexwale oo sanadkii hore booqdey Somaliland, in ey maalgashadaan Somaliland oo aad u xasiloon nidaam iyo dowlad iyo cadaalad na ey kajirto.

Friday 9 April 2010

Golaha dhexe ee udub ee ugu horeeyay










1 Maxammed xaji ibraahim cigaal Gudoomiyaha
2 Daahir riyaale kaahin Gudoomiye ku Xigeen
3 Dr. cabdi Aw daahir cali Xoghayaha Guud ee Ururka
4 Cismaan Garaad Maxamuud ku Xigeenka Xog. Guud
5 C/raxmaan Faarax Sugaal Khasnajiga Ururka
6 Ismaaciil Mire Madaxa Wacyi galinta
7 Aadan Muuse Jibriil Xubin
8 Sh. Yuusuf Sh. Cali Sh. Madar Xubin
9 Cali Cilmi Geedi Xubin
10 Barkhad Jaamac Aare Xubin
11 Jibriil Cali Salaad Xubin
12 Axmed Aw Cismaan Xubin
13 Cali Cige Ducaale Xubin
14 Xasan Cabdi Xabad Xubin
15 Maxamud Jaamac (Bulbul) Xubin
16 Axmed Yuusuf Ducaale Xubin
17 Rashiid Xaaji C/laahi Xubin
18 C/laahi Maxamed Ducaali Xubin
19 Maxamed Siciid Maxamed (Gees) Xubin
20 Qaasim Sh. Yuusuf Xubin
21 Maxamed Warsame Diiriye Xubin
22 Axmed Cabdi Yuusuf Xubin
23 Maxamed Axmed Dhakool Xubin
24 Cali Obsiiye Diiriye Xubin
25 Xasan Macalin Xubin
26 Maxamed Ducaale Qurux Xubin
27 Sh. Axmed Nuux Xubin
28 Suldaan C/raxmaan Sh. Maxamed Xubin
29 Sh. C/Laahi Cali Jawhar Xubin
30 Cali Cumar Axmed Xubin
31 Siciid C/Laahi Xubin
32 Yaasiin Maxamed Xasan Xubin
33 Cismaan Jaamac Samatar Xubin
34 Cismaan Caabi Barood Xubin
35 Ibraahim Maxamed Cilmi Xubin
36 Siraad Gaas Xubin
37 Saynab Cali Heneri (Haweenka)
38 Cabdi Xaaji Hirad Warfaa Gudoomiye Gobol
39 Aadan Xaaji Ismaaciil Xoghaye
40 Ibraahim Cali Cabdi Qasnaji
41 Cabdi Gudi Ciise Nuur Wacyigalin
42 Xasan X. Muuse Xubin
43 Cabdilaahi Yuusuf Cali Xubin
44 Carab Axmed Goox Xubin
45 Cabdi Jaamac Cali Xubin
46 Ismaaciil Faarax Maxamed Gudoomiye Gobol
47 Xasan Cabdilaahi X. Muuse Xoghaye
48 Xasan Maxamed Cumar Qasnaji
49 Muuse Sh. Muxumud Xubin
50 Cismaan Aw-Muxumud Xubin
51 Maxamed Cabdi Maalig Wacyigalin
52 Baar Xaaji Siciid Haweenka
53 Aamina Cali Yare Haweenka
54 Siciid Sulub Gudoomiye
55 Aadan Xasan Biixi Xoghaye
56 Aw-Aadan Cawil Seed Wacyi gaelin
57 C/laahi Shariif Qasnaji
58 Axmed Xasan C/raxmaan Dhalinyarada
59 Maxamed Axmed Maxamed Dhalinyarada
60 Caasho Xasan Ismaaciil Xubin
61 Fadxiya Muuse Xubin
62 Xuseen Cali Xirsi Gudoomiye Gobol
63 Khadar Daahir Mooge Xoghaye
64 Maxamed Cali Cabdilaahi Qasnaji
65 Axmed Muxumed Maxmed Wacyigalin
66 C/raxmaan Cumar Gaadane Dhalinyarada
67 Cabdi Axmed Yuusuf Dhalinyarada
68 Xusni Maxamed Indhoole Haweenka
69 Sucaad Ibraahim Caabi Dhalinyarad
70 Maxamed Ibraahim Rigaal Gudoomiye Gobol
71 Axmed Xasan Abdaale Xoghayn
72 Maxamed C/laahi Caawaale Wacyigalin
73 Maxamed Jaamac Ordaaye Qasnaji
74 Maxamed Cismaan Dhalinyarada
75 Maxamed Cumar Warsame Dhalinyarada
76 Ikraan Xaaji Daauud Haweenka
77 Sahra Daahir Xasan Haw